XOG MUHIIMA: TPLF XAGAY HUBKA KA HESHAA?

Warbixin dhawaan ay baahisay Orex ayaa lagu sheegay in Tplf haysato hubka culus noocyadiisa kalla duwan.Waxaana hubkan kamid ah: Gantaallo,Raadaaro,suug ,Kaare iyo hubka kallee culus.Maal-mahana waxaa la arkayay iyagoo magaalloyinka qaar ka duqeynaya meel ka fog 30-Km.Magaalloyinka maalmahan la duqeeyay waxaa kamid ah Debre-tabor iyo Woldeya.Dawladda dhexe ayaa sheegtay in hubkan culus ee ay soo riddayeen uu bur-buriyay dhul baddan,halka dad rayida ku dhinteen.

Haddaba waxaa is waydiin u baahan Tplf oo sannad iyo dheerad dagaallamaysa, go’doona kaga jirta dalalka dariska xaggey ka hellaan hubkan culus?

Jawaab-

1) Ree galbeedka: Ugu horayn waxaa la aaminsan yahay inay hub ka hellaan dalalka ree galbeedka oo mucaawimo ahaan ugusoo galin kara,waxaana la aaminsan yahay inay ka taageren hubka difaaca,is-gaadhsiinta iyo kuwa wax basaasa.(Waana sababta Itoobiya haayado iyo shaqsiyaad dalkeeda uga caydhisay)

2) Dhulka Tigreega:Tplf waxay u muuqdeen kuwo usii diyaar garoobay dagaalkan labatan sanno kahor, xiligii ay tallada dalka gacanta ku hayeen.Deeganka Tigreega waxaa laga sameeyay warshado waawayn oo hubka dib u-laba farsameeya(Isu-geyn-geyn),waxaana kamid ah warshada Temben,waxaa kalloo hubaalla in hub baddan dhulka hoostisa lagu aasayay labtankii sannee u dambeeyay,halka xirfadaha iyo currinta la xidhiidha warshada hubka la barrayay dhalinyaro baddan oo Tigree ah.

Buurralayda ayaa mararka qaar ku dooda in haddii dhulka Tigreega la qodo aysan biyo kasoo baxayn,balse hub-kasoo burqani meelkasta.Talliyaha ciidamada Itoobiya,Birhanu Julla ayaa toddobadkan waraysi uu bixiyay ku sheegay inay hub haystaan,oo ay dhulka hoostisa ku kaysadeen mudadii ay xilka hayeen.

3) Buurta Gunna: Buurta Gunna ee ku taalla koonfurta Gonder ee Deeganka Axmarada ayaa kamid ah buurraha ugu dhaadher Afrika iyo dalka Itoobiya,waxaana la aaminsan yahay inay buurtan kayd baddan oo hub sii dhigteen xilliyo hore.Waxaana doodaas sii xoojinaysa kooxihii Tplf ee Gashana agagaarkeeda ku sugnaa oo la moodeyay in la go’doomiyay marar baddan ayaa dib ula wareegay dhul baddan oo aagas ku yaalla.Buurtan ayay billihii lasoo dhaafay Itoobiya dhawr jeer duqaysay,waxaana looga gol-lahaa in la bur-buriyo kaydka hubka ee Tplf. Buurtan oo muhiim u ah goballada Axmarada ee dagaalku ka socdo,ayaa siddoo dagaal noocan ka dhacay xilligii ay jabhada ahayd Tplf,iyadoo ka caawisay inay Addiss-Ababa qabsadaan.

4) Hubka Milatariga laga furto: Illaha kale ee ay hubka culus ka hellaan ayaa ah isla Milatariga ay la dagaallamaan,xiligii ay Mekelle dib-u qabsaden waxaa la arkayay iyagoo hubkii cuslaa ee Milatarigu ka carraray ku hubaysan,kaas oo ay markii dembe Deeganka Axmarada lasoo galleen.Mararka qaarna waxaa lagu arkaa hub loo baddinayo in laga hellay dalalka Itoobiya ay is hayaan,sidda Masar

W-Q Macalinka Soomaliyed(Ms)

VOSS TV