XANUUNKA KU DHACA QUMANKA-( XOQADAHA )

QUMAN XANUUNKA  ( XOQADE XANUUN )

Waxa aan isku dayaaya in aan warbixin yar oo kooban idinka siiyo ( xoqadaha ama qumanka )

xoqadaha ama qummanku waa caabuq-infection ku dhaca qanjidhada ku yaala dhuunta,kaas aya la idhaahda qumanka.

waxaan qoraalkas kusoo  koobi doona waxyaabaha keena,calaamadaha,dhibaatoyinka ka dhasha,iyo daaweyntooda.

MAXAA KEENA XANUUNKAN ?

Waxaa keena  jeermisyada kala  ah bacteria iyo virus badana waxaa sababa Bakteeriyo loo yaqaano streptococcus pyogenes.

CALAAMADAHA LAGU GARTO XANUUNKA

In qofku ka dareemo dhuunta xanuun badan xiliyadda uu wax cunayo ama wax cabayo ama uu hadlayo

In uu qofku dareemo xumad ama kaar badan

In qofku isku arko barar badan oo ah dusha sare ee qanjaha ama gudaha

In aya noqdaan casaan

In ay qanjidhadu yeeshaan cadaan iyo dal-daloolo

intaasi waa calaamadaha ugu caansan ee lagu garto xanuunka.

DHIBAATOOYINKA KA DHASHA XANUUNKA.

In uu caabuq ku yimaado xuubkii daboolyayey hawo mareenla.

In uu caabuq gaadho dhegeha oo ay dilaacan isla markana ay ka yimaadan dhecaan.

In caabuqii gaadho ama saameeyo qaybta sare ee  sanqada.

in uu jeermiskii dhiiga kusii daayo sun.

MAXAA LAGU DAWEEYA XANUUNKA

 amoxicillin/clavulanate tablet/syrup

penicillin v tablet/syrup

amoxicillin capsule-tablet/syrup

all antibiotic medicine.

FIIRO GAARA AH-Dawooyinkan hadii aad u baahato la kaasho dhakhtar.

W/D-Zakaria Dhalinyaro

Cabdiraxmaan Rashiid
Dhexnimo Media/Hargeysa
Dhexnimomedia@gmail.com