Wanaaga arday-nimada waqtiga lagu guda jiro, maraaxisha arday-nimo

WQ: Qoraa Mohamed Qalatar

Nolosha arday-nimo waa nolol qurxoon waqtiga lagu jiro oo laga barto samirka, daganaashiiyaha nafta, dul-qaadka iyo hogaaminta bulshada. Waa nolol lagu barto dabeecadaha kala duwan ee bulshada aad la ardayga tahay.
Waa nolol qurxoon oo qiima gaara leh. Sidoo kalana gudbinaysa fariimo bari qaan kugu noqon-doona qofkasta oo maraaxishan soo maray.

Waa nolol aan la dareemin inta lagu guda jiro marka laga reebo inyar oo dadka ka mida mooyee, seh waxa la dareemaa marka ay gaba-gabawdo ee haddaba qofku gaadho halkuu rabay, kana dhex baxo arday-nimada ee uu maarmo.

Arday-nimadu waa nolol xasuuso gaara ku yeelata qof kasta oo maraaxishan nololeed ee taxanahaa soo mara, uuna xasuusana doono waqti ka mida waqtiyada uu nool-yahay ee danbe, qofkaas soo maray maraaxishan nololeed.
Waa waqti uuna ardaygu dareemayn qiimaha ardayga uu la fasalka yahay, seh waqti ka bacdi koox kaste oo nolosha soo wadaqaatay oo arday soo wadda ahayd ay is raadin-doonto oo ay isku ooyidoonto, misne uu arday kastaa ku fikiridoono ” Allah yaa mar-uun ku tusa ardaygii/ ardaydii hebal ama heblaayo”

Waqtiga arday-nimadu waa waqti la dhaxlo cilmi, waana waqti la barto sida loo baadho shay kaste oo cilmiya oo la rabo.
Waa waqti uu qofku ku xidhan-yahay cilmiga, akhriska, qoraalka iyo haddaba wixii aduunka ka cusub ee kusoo kordha horumarka cilmiga iyo dhismaha aqoonta.

Culayska arday-nimo inta lagu guda jiro maraaxisha arday-nimo.
+++++++++++++++++++++++++++++++
Dhanka kale marka laga eego culays-yada soo wajaha ardayda xiliga, hal-ganku socdo, waxa ka mida:-

1: Culayso dhaqaale
2: Culaysyo deegaan
3: Dareen-la,aan aan la dareemin culayska ardayga haysta waqtigaas.
4: Maamulka waqtiga oo ka luma, ardayga.
5: wal-walka imtixaanadka.
6: mararka qaar macalin xumo.

Ugu danbayn arday-nimadu waxay leeday waqti la maro oo qofba meeli uga calaamad-santahay.
Qofka ardaygii wuxuu noqondoonaa laba midkood uun:-

1: Qof xamili waaya culayska arday-nimo oo ka haajira ama ka dhex baxa, dabadeed noloshiisa dhexda ka jabiya oo uu qofkaas culuunta ama tacliinta uu ka doorbido dana-yar-yar oo bari dhammaanaya oo marka ugu danbaysana uu lumo hanka iyo himilada horusocod ee qofku, sidaana uu qofku ku noqdo qof bilaa samira oo nololsha quruxdeeda ku guul-daraysta.

Iyo qof u dhabar-adayga culuyska arday-nimo oo ka midha dhaliya hadafka nolosha ee balaadhana, ugu danbayna culayskii arday-nimo uu dhalo nolol quruxoon oo lagu nasto oo lagu raaxaysto, sidaasna uu qofku ku gaadho guul nololeed oo qurxoon.

Ujeedkaygu wuxuu yahay, haddiiba aad arday tahay inaad u samirta dunuufaha nolosha ee kala duwan ee kusoo wajahaaya. Sidoo kalana culayska arday-nimo ee ku soo wajahaaya uu jiro wax ka wayn oo hadafi oo kuu muuqdo, kuuna muuqado, dhawaana in aad gaadhi-doonto inshalaha.

Noloshu waa samir iyo dadaal wadata himilooyin qurxoon oo adkaysi iyo dhabar-adayg ku dhisan.

Inta badan ilaw oo lumi xanuunada duunfeed ee kasoo wajahaaya culayska arday-nimo, sidoo kale maamka iyo qalbiga ku hay inay tahay dhawaan inaad nolosha macaankeeda aad gaadhi-doonto oo dhibta iyo culayska uu ka danbayn-doonto nolol qurxuun oo qiima leh.

Dheef kaste dhibaa ka horaysa.

Qoraa Mohamed Qalatar
Email: maxamedxuseen@gmail.com

FB: Qoraa Mohamed Qalatar