Arsenal ayaa qarka u saaran inay la wareegaan ninka isla leh Spotify Daniel Ek iyo seddex xiddig hore oo Gunners ah – laakiin muxuu Ek u iibsanayaa Gunners?

Sida ay sheegtay jariirada The Telegraph, Ek wuxuu raadinayaa inuu la shirkoobo halyeeyada Arsenal ee Thierry Henry, Dennis Bergkamp iyo Patrick Vieira si uu kooxda Arsenal uga bixiyo gacanta milkiilaha Mareykanka ee Stan Kroenke.

 

Warkaan ayaa imaanaya ka dib markii ay kooxda ku biirtay kana baxday horyaalkii fashilmay ee European Super League.

Gunners ayaa ka mid aheyd lix kooxood oo Premier League ahaa oo doonayay inay qeyb ka noqdaan horyaalka European Super League.

Inkastoo Arsenal ay ka baxday horyaalkaas fashilmay hadana taageerayaasha ayaa dhigayay mudaharaad looga soo horjeedo milkiilaha Mareykanka Kroenke todobaadkan.

Boqolaal taageerayaal ah ayaa isagu soo baxay banaanka Emirates Stadium ka hor kulankii ay guuldarrada 1-0 ka soo gaartay Everton habeenkii Jimcaha.

Ek iyo seddexda halyeey ayaa la filayaa inay dalab 1.8 bilyan ginni ah ka gudbiyaan iibsashada Arsenal maalmaha soo socda sida ay sheegtay ITV News.

Hadaba, shabakada Laacib waxay idiin soo gudbineysaa wax walba oo laga ogyahay arintaan ilaa iyo haatan.

Waa kuma Daniel Ek, waa immisa hantidiisa?

Ek waa ninkii qeyb ka aas-aasay shabakada muusika laga dhageysto ee Spotify waana maamulaheeda ugu sareeya haatan.

Ninka reer Sweden waxaa hantidiisa lagu sheegay 4.7 bilyan ginni sida ay sheegtay majalada dhaqaalaha ee Forbes, wuxuuna hore u sheegay inuu noloshiisa oo dhan ahaa taageere Arsenal.

Dhibaatada heysata Arsenal ayaa ah mid qoto dheer iyadoo kooxda ay weli ka soo kabsaneyso bixitaanka tababaraha halyeeyga Arsene Wenger ee sannadkii 2018.

Sida uu Ek u doonayo inuu isbedelo ugu sameeyo kooxda Emirates Stadium ka dhisan ayaa waxay soo jiidan doontaa qalbiyada taageerayasha Arsenal.

Yaa qeyb ka ah heshiiskiisa?

Sida ay Telegraph sheegtay, halyeeyada Arsenal Henry, Bergkamp, iyo Vieira oo dhamaantood qeyb ka ahaa kooxdii guuldarro la’aanta ku qaaday horyaalka xilli ciyaareedkii 2003-04 ayaa la shirkooba Ek si iyagana saami ugu yeeshaan kooxda.

Miyuu Stan Kroenke iibinayaa Arsenal?

Milkiilaha Mareykanka wuxuu Arsenal la wareegay sannadkii 2011 ka hor inta uusan si buuxda u la wareegin koontaroolkeeda sannadkii 2018.

Isbuucii la soo dhaafay wiilka Kroenke oo lagu magacaabo Josh wuxuu sheegay in kooxda aysan iib aheyn.

Maxay taageerayaasha yiraahdeen?

Markii uu Ek soo bandhigay inuu xiiseynayo iibsashada kooxda todobaadkii la soo dhaafay ururka taageerayaasha Arsenal ay ku mideysan yihiin ee Arsenal Supporters Trust ayaa sheegay inay taageeri doonaan iibsashada kooxda haddii milkiilaha cusub uu u ogolaanayo in taageerayaasha ay saami rasmi ah ku yeeshaan kooxda si ay wax uga dhihi karaan qaabka loo maamulayo kooxda.

Ururkaan ayaa fure u ahaa hal ku dhigii qabsaday Twitter todobaadkii la soo dhaafay ee #KroenkeOut.