Sudan oo aqbashay dhexdhexaadinta Turkiga ee muranka xadka kala dhexeeya Itoobiya !!!!!

Sudan oo ciidamo u dirtay xuduuda Itoobiya kadib dagaalkii Tigreega ayaa la sheegay inay aqbashay dalabkii Turkiga ee ahaa in la dhexdhexaadiyo khilaafka’ ka dhaxeeya iyaga iyo Ethiopia.

“Wasiirka arrimaha dibadda Maryam Sadiiq al-Mahdi ayaa la hadashay warbaahinta,iyado sheegtay in hoggaamiyaha Golaha Sare ee Suudaan, C / fataax Al-Burhaan uu bishii hore u dhoofay Turkiga, uu Aqbalay Go’aanka Dhax dhaxaadinta’ Turkiga.

@ Sidoo kale, markii ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu u ambabaxay Turkiga bishii hore, madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dalkiisu danaynayo dhexdhexaadinta khilaafka u dhexeeya Itoobiya iyo Suudaan.

Xigasho Ogaadenia media Adis ababa