Weligaa ma isku dayday in aad ra’yi u soo bandhigto qof ama laba asxaabtaada ka mid ah si ay kuula faalleeyaan ama kuula lafa-guraan ? Haa weeyaan jawaabtu haddii aanan khaldanayn, waayo dhaqanka ayaa sar-goynaya oo waa sida aynu u badanahay in aynu is barbar-dhig ku samayno fekerro kala duwan oo ka kala yimid dad kala duwan,isla markaana ku aaddan hal arrin ama ujeeddo.  Haddaba sidee ayay kuugu soo bandhigeen dadkii aad ra’yi wadaagga la yeelatay ra’yiyadooda ku aaddan arrinka aad doonaysay  ama doonaysid in aad ka gun-gaadho? Runtii sida ay u badan yihiin dadka aad ra’yi wadaagga la yeelatay waxa ay ku siiyeen ama ku siin doonaan xogo kala gedisan oo qaarba si kuula muuqdeen.

Hase yeeshee, ma dhadhamisay sidii ay doonayeen in ay ra’yigooda kuugu qanciyaan? Cidhiidhi ama niyad-sami-la’aan miyaad dareemaysay markii ay ra’yigooda kuu soo badhigayeen?

Haddii aan dib kuu xusuusiyo waxa qof kasta oo kula taliyey uu dhimasho ka xigey in ra’yigiisa la qaadan waayo, isaga ama iyada oo u arkayey in uu ra’yigaasi yahay ka ugu saxsan,balse way ku khaldanayeen in ay sidaas u dhaqmaan.

Waxa la isla qaatay in marka qof talo la siinayo qofku uu noqdo doortaha dhabta ah ee nooca talada uu doonayo,iyada oo ay ka reebban tahay wax kasta oo uu qofku ku dareemi karo awood ka xayuubin ama uu isugu arki karo dhibbanenimo.  Dhaqanka Soomaida oo ah mid aan ku dhisnay caqli iyo diintoona ayaa ah sababeeyaha in qof aadame ah oo karaamo iyo sharafba Ilaahay siiyey lagu tunto xuquuqihiisa aas-aasiga ah oo loo fahmo mid aan dookh iyo rabitaantoona lahay.

Haa, waxay kuula muuqataa arrin sax ah in aad qof kale arrimihiisa inta aad shanta faroodba la gasho aad sidii kula gudboonba ka yeeshid haddii uu kaa yeello.Balse, waa gef cad oo anshax ahaan iyo asluub ahaanba aan habboonayn, sababtoo ah marka aad talo-soojeedin samaynaysid waa in ugu yaraan aad isku daydo in aad fahamto arrinka aad qofka kula talinayso iyo waxa uu yahay, balse sida aynu ka Soomali ahaan u badanahay markaba haddii uu qof talo ina weydiiyo xitaa innaga oo aan wax badan ka ogeyn arrinka uu ka hadlayo ama ujeedkiisa ayaynu wixii aynu doonno ee maankeenna ku soo dhaca iska dhahnaa.

Cabdi Iley nikii la odhan jirey ee Soomalida Itoobiya madaxweynaha u ahaa ayaa qolo mucaarad ku ahayd u bixiyey “SSI” oo ah xuruuf la soo gaabiyey. S-da koowaad waa” sii soco” , s-da labaadna waa “soo soco” ,i-da u dambaysaana waa ” iska dheh” . Ujeeddada ugu weyn ee ay ereyadani xambaarsan yihiin ayaa ah in dadka qaarkood wixii afkooda ku soo dhaca aanay xitaa caqliga soo marin’e marka uu afkooda hadalku soo dhaafo ay dhagtoodu dib u maqashaa isla markaasna cagligoodu uu maqlaa wixii ay yidhaahdeen. Halka, hadalku uu carrabka iyo caqliga, caqliga kaga soo horreyn lahaa ee lagu soo rogroggi lahaa ka dibna laga odhan lahaa hadalka oo miisaaman oo ku dhisan khibrad, aqoon, waaya-atagnimo iyo xaqiiqo midkood ama in ka badan.

Haddii qof la-talinta u haysta wax aan saamayn yeelanaynin uu helo qof ka garaad hooseeya oo aan shaandho ama miirto uu afkaaraha ku kala haadiyo lahayni wuxuu u horseedi karaa waxyeello ay adag tahay in laga soo kabtaa. Weli ma arag qof dhakhtar sheeganaya isaga oo aan dhakhtar ahayn oo haddii aad ku tiraahdo in qalliin la ii sameeyaan doonayaa ku odhanaya ” aniga ku qalaya’e sug” ? Maya inay tahay jawaabtu agaan rejaynayaa, maxaa yeellay waa wax gacan ka qabasho u baahan oo cidina kuma soo dhiirranayso in wax aanay aqoonteeda lahayn ay gacanta ka qabato, maxaan ka sheegi qalliin, xitaa koombiyuutarkaaga ama moobilkaaga haddii aad tidhaahdo cid fayras-ilaaliye iigu shubtaan u baahanahay arki maysid qof aan aqoon oo ku odhanaya keen kuugu shubee.

Laakiin, haddii aad tidhaahdo in aan dhintaan rabaaye cid aakhira igala talisaan u baahanahay waxa aad helaysaa malaayiin qof oo talo ku siiya haba noqdeen qaar ku leh “waxba ha dhimane iska noolow”. Sabata miyaad garanaysaa loogu dhiirranayo tala-bixinta ee loo ga maagayo hawlaha gacan ka qabashada u baahan? Jawaabtu waxay ku soo ururaysaa uun kelmeddaas kor ku xusan ee ah “iska dheh”.

Si kastaba ha ahaatee, la-talintu waa cilmi ka mid ah kuwa ugu doorka roonleh aqoonaha lagu barto goobaha tacliinta ee sar-sare. Waxaanay u baahan tahay in aad leedahay hagihii ama ilaaliyihii kugu hagayey in aad la-talin qof kale siiso, si looga hortago in aad waxyeello u geysato qofka aad talabixinta siinaysid. Hase yeeshee, haddii laga maarmi waayo waxa aad odhan kartaa qofka “waxan aad sheegayso qofkaas iyo qofkaas ayaa iiga aqoon badane bal iyaga weydii ama waxaan ka ogahay waxaas iyo waxaas, laakiin anigj waxaas ayaan ka ogahaye haddii aad ku qancaysid iyo haddii kaleba adiga ayay kuu taalaa”. Balse waxa aan u arkaa in aanay dhibaato ku jirin haddii uu qofku waxa uu yaqaanno cid kale oo danaynaysa kala taliyo,isaga ooo sida ugu daacadsan uguna wanaagsan ee ugu suurtagalsan ugu soo bandhigaya qofka la-talinta u baahan.

Ugu dambay waxa aan soo jeedinayaa qodobbo aan u arko in ay yihiin kuwa wanaajinaya talabixinta,  waxaanay kala yihiin sidan:-

□ Haddii aad qof talo siinaysid, fadlan ha adeegsan ereyada karaamo ka qaadka ku ah qofka aad la talinayso ama uu qofka lala-talinayaa ku dareemi karo liiddid iyo handidaad.

□ Iska ilaali in aad af-xumo kula kacdo qofka aad talooyinka u soo  bandhigayso.

□Ku darso oo marnaba ma aha in aad xadiis saxeex ah u aragto ra’yigaaga marka aad qofka u soo bandhigayso, maxaa yeelay qofku isaga ayaa kaa og waxa dhabta ah ee uu u baahan yahay , sida uu ugu baahan yahay iyo sababta uu ugu baahan yahayba

□ Qofka aad la-talinayso ha u arkin in uu ka madhan yahay aqoon oo dhan, waana in aad ku ixtiraamto qofnimadiisa

□ Qofku isaga oo aan kaa codsanin la-talin ha isku deyin in aad ku qasabtid la-talin aanu u baahnayn

□ Qofka aad la-talinayso si fiican u dhegeyso oo fahan waxa uu doonayo in uu kaala hadlo

□ Qofka aad la-talinayso u xafid xogtiisa

□ Qofka aad la-talinayso u soo bandhig ra’yigaaga ku aaddan arrinka ama ujeeddada

□ Ogow in uu qofku diiddi karo ama aanu ku qanci karin ra’yigaaga

□ Isku day in aad qofka u kala saarto ra’yigaaga iyo ra’yiga dadka kale

□ Isku day in aad qofka ku dhiirri-geliso in uu ku qanacsanaado la kulankaaga oo aanu diiqad iyo cadhiidhi ku dareemin hadalladaada

□ Isku day in aad dantaada ka horumariso danta qofka aad la-talinayso( danta qofka lala-talinayo ayaa leb mudnaanta koowaad)

□ Haddii dadntaada iyo danta qofka aad la-talinayaa iskhilaafaan oo aanad dhex ka noqon karin la-talinta waa in aad caddaysaa in aanad arrinkaas dhex ka noqon karin

□  U oggolow go’aanka kama dambaysta ah in uu qofku si iskii ah u gaadhi karo kuna dhiirri-geli.

WQ: Khaalid Curaagte