- Dumar been waa lagu soo xero geliyaa runa waa lagu dhaqaa.
- Erray nimaan dhaafin odday ma dhalin.
- Ey is cunaysaa waraabe iskama celiso.
- Eydin geel kolba waa ninkii ku danbeeya.
- Ey laf diiday waa bukaa.
- Faanoole fari kama qodna.
- Fallaadhi gilgilasho kaagama go’do.
- Fallaartii cirka loo ganay cid kastoy filo.
- Far bugtaa, Faraha kale ka dheer.
- Far keliya Fool ma dhaqdo.
- Faras aanad lahayni, futadaaduu wax yeelaa.
- Farsamo xumo, futada cankeeday ku goysaa.
- Faruurow maxaa berbera ku geeyey? faduul, Faduushii ku keentay hakaa saarto.
- Gacantaadu hadday dhudhub gasho, lagama dhuftee waa laga dhirindhiriyaa.
- Gacantii aadan goyn karin, waa la shumiyaa?
- Gadal gadaal geed looma koro.
- Geel-jire isagooy ushu u go’antahay ayuu xaggeen ka goostaa ku yidhaa.
- Geel soddon qaday, saddex cisho kuma dari waayo.
- Geeli waa geel, wixii gooyaana waa geel.
- Geeljire, geela waa wada jirtaa, waana kala jirtaa.
- Geelow geed walba daaqdaye, markaad Ciin daaqdaa laguu yaabaa.
- geeridi galbeed laga sheego gundahaaga ka eeg
- Gar iyo geeso lo’aad kulaylkaa lagu gooyaa.
- gar jilcan geeriyaa hoostaalo
- God hadimo ha qodin, haddaad qodidna ha dheerayn, ku dhici doontaana ma ogid.
- goos dhargay mashaariyo ma karo
- Gudineey ima goyseen, haddaan badhkay kugu jirin.
- Gudini geed ma goyseen, haddaan geed kale ku goyn.
- Gurbaan( durbaan ) Garabkaaga ha kuugu jiro ama gacalkaa hakuu hayo.
- habar fadhido lagdan la fudud
- Hadal intuu uurkaga ku jiruu ammaano yahay.
- Hadal iyo hablaba duco la’aan bay tarmaan.
- Hadal nin badiyeyna ma wada odhan, nin yarreeyeyna kama wad tegin.
- Hadal nin si u yiri, ninna si u qaaday.
Lasoco qaybta 5aad
Soo Ururinta: Cabdiraxmaan Rashiid Dalmar
Dhexnimo Media
info@dhexnimomedia.om
Cabdiraxmaan800@gmail.com