U.S. flag and China's flag flutter in winds at a hotel in Beijing Wednesday, Sept. 5, 2012. U.S. Secretary of State Hillary Rodham Clinton is in Beijing to press Chinese authorities to agree to peacefully resolve disputes with their smaller neighbors over competing territorial claims in the South China Sea. But as she began her meetings here, China questioned the stated neutrality of the United States. (AP Photo/Andy Wong)

Dawladda Maraykanka ayaa cune-qabatayn dhaqaale ku soo rogtay 24 xubnood oo dalka Shiinaha u dhashay kuwaasoo lagu eedeeyay inay xad gudubyo ka geysteen Hong Kong oo ay dibadbaxyo dimoqraadiyad doon ah ka socdaan.

Shaqsiyaadka kasoo muuqday liiska Maraykanku soo saaray ee la cunaqabateeyay waxaa ka mid ah Waan Shaan oo ka mid ah madaxda sar sare ee xisbiga talada Shiinaha haya iyo xubno kale oo sar sare.

Dhanka kale Inta la xaqiijiyay 8 ruux oo dumar u badan ayaa ku geeriyooty kadib toogasho ka dhacday magaalo ku taala gobolka Joorjiya ee dalka Maraykanka.

Boolisku waxay sheegeen in toogashadaan ay ka dhacday xaafad la yiraahdo Akwoorth oo ka tirsan magaalada Atlanta.

Nin ku hubeysnaa qori nooca darandooriga u dhaca ah ayaa la sheegay inuu gudaha u galay qol dadka lagu masaajeeyo ama lagu duugo kadibna uu rasaas ku furay dadkii ku sugnaa oo dumar u badnaa.

Dawlada Kuuriyada Koofureed ayaa sheegtay in 4 ka mid ah haweenka geeriyooday ay dalkeeda kasoo jeedaan.

Afhayeen u hadlay  booliska gobolka Joorjiya ayaa sheegay in 4 ruux oo kale ay weerarkaan ku dhaawacmeen. Afhayeenku waxaa uu sheegay in nin 21 sanno jir ah oo la tuhmayo falkaan loo qabtay baarisna ay socoto.