Dhaanto: Ha Ka Dhicin
Codkii Abdinoor gaafoote
Hadafkii dhabee
Dhaawac loosoo dhex maro
Inuu midho dhalana
waa in laga dhulsugo
Dhibka oo loo samriyo
Dhawris wada jiroo
aan la dherersanbay
Guul ku soo dheelmataa
Midnimada dhantaalkeeda
Kuma dhashe ha ka dhicin
Ninkii dheelalowsanow
Hashad dhaqato ee
Kuu dhashee godlani
Dhiilka mooyee
Miyaa dhulka lagu lisaa
Geedigeeni dheeraa
Dib uma dhicine
Dhagooluhu halkuu
Dhawrin laga dhaqaaq
Midnimada dhantaalkeeda
Kuma dhashee ha ka dhicin
Ninkii dheelalowsanow
Qorida: Cabdiraxmaan Rashiid Dalmar