Casharka 18aad ee Axkaamta Soonka
60. Sadaqada (zakada) waxaa uun muttCasharka 18aad ee Axkaamta Soonkaa fuqarada, masaakiinta, kuwa ka
shaqeeya, kuwa la soo dhawayn quluubtooda, kuwa la xorayn, kuwa (xaqa) ku
daynoobay, jidka eebe iyo socdaalka, waana wax eebe faral yeelay, ilaahayna waa
oge falsan ).
18. Ciidul Fidriga ( Ciidda Soonka)
 Ciidul fidriga waa maalin farxadeed oo dadka ku faraxsan yihiin sida
qiimaha badan ee Alle ugu dhamaystiray soonkii ay bisha barakaysan
soomayeen, una xalaaleeyay cuntadii iyo cabbiddii marka hore xaaraamta ka
ahayd, waa maalin mudan in labadiyo takbiirta (ALLAAHU AKBARTA)
sadaqada, salaanta iyo booqashada, sidookale waa in la is nadiifiyo, labis
wanaagsanna lagusoo labisto, waana in banaanka (garoonka ciidda) loo soo
bixiyo ciyaalka, dumarka daahirka ah, kuwa aan daahirka ahayn iyo
gabdhaha maqabiyadaha ah dhammaantood , si looga faa’iideysto ducada
iyo barakada maalinkan uu leeyahay.
عن أنس (رضي الله عنه) قال: ( كان رسول الله (صلى الله عليه
وسلم) لا يغدو يوم الفطر حتى يأكل تمرات ) (قال
الحافظ: أخرجه البخاري معلقا)
( Anas (r.c.) wuxuu yiri: Rasuulkii Alle (s.c.w) wuxuu ahaanjirey: mid aan
kallihin maalinta fidriga (ciidul fidriga) ilaa uu cuno timiryaalo ).
عن ابن عمر قال: (كان رسول الله صلى الله عليه وسلم: يخرج
إلى العيد ماشيا، ويرجع ماشيا) (حسن، أخرجة: ابن
ماجة)
( Ibnu cumar (r.c.) wuxuu yiri: Wuxuu ahaan jirey rasuulkii Alle (s.c.w) mid
xagga ciidda usoo baxa isagoo lugaynayo, wuxuuna noqon jirey isagoo
lugaynaya ). amta Soonka
‐ 36 ‐
Ibnu cabaas ( r.c) waxaa laga warinayaa, in uu nabiga (s.c.w) tukaday
maalinta ciidda: laba rakcadood oo hortood iyo dabadood uuna Salaad
tukanin. (waxaa wariyay bukhaari iyo muslim)
عن أم عطية نسيبة الأنصارية (رضي الله عنها) قالت: أمرنا
رسول الله صلى الله عليه وسلم: أن نحرج في العيدين العواتق
وذوات الخدور، وأمر الحيض أن يعتزلن مصلى المسلمين
(متفق عليه، واللفظ لمسلم)
( Ummu cadiyah nusaybah oo ree ansaareed ahayd (r.c) waxay tiri: Rasuulkii
Alle (s.c.w) wuxuu na amray inaan labada ciidood dhexdooda soo saarno
gabdhaha bikaarada ah ee qaangaadhka kudhaw iyo kuwa maqabiyada ah,
kuwii xaydka qabayna wuxuu amray inay kadheeraadaan muslimiinta
goobtay ku tukanayaan).
 Salaadda ciidda way ka duwan tahay salaadaha kale, waxyaabaha ay kaga
duwantahayna waxaa kamid ah inay tahay salaad aan aadaan iyo iqaamo
midna lahayn.
عن ابن عباس (رضي الله عنه) أن النبي (صلى الله عليه وسلم)
صلى يوم العيد بلا أذآن ولا إقامة. (أخرجاه مطولا)
( Ibnu cabaas (r.c) waxaa laga warinayaa inuu nabiga (s.c.w) tukaday
maalinta ciidda ah, aadaan iyo iqaamo la’aan ).
Camar binu shucayb wuxuu aabihii kawarinayaa oo awawgii kasoo
warinayaa inuu yidhi: nabigii Alle (s.c.w) wuxuu yidhi:
( التكبير في الفطر سبع في الأولى وخمس في الأخرى،
والقراءة بعدهما كلتيهما ) (أخرجه: أبوداود)
( Takbiirta (salaada ciida) fidriga dhexdeeda ah waa: todobo ku jirta
(rakcadda) iyo shan midda kale ku jirta, akhrintana dabadood bay ahaatay
labadoodaba ).
Nucmaan binu bashiir (r.c) waxaa laga warinayaa in rasuulkii ALLE (s.c.w)
ahaanjirey mid labada ciidoodba ku dhex akhriya:
(سبح السم ربك الأعلى) iyo.(هل أتك حديث الغشية)