Bal aan Eegno Uuraysatee Waxay Umuli Doonto  W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid

Baribaa nin aad u jeclaa inuu ubad dhalo ayaa 3 dumar ah guursaday balse qadarta Rabi waxaba umay dhalin bulshadii uu la noolaana waxay aamiineen inuu ma dhalays yahay maadaama 3 dumari ubad u dhaliwaayeen dhammaantoodna uu wada furay waxaanay ku dacaayadayn jireen waa “”Ciise madhalays “”

Ninkii odayga ahaa wuxuu qaaday cuqdad aad u wayn waxaanu isu qatay inuu madhalays yahay

Waxa kale Oo aad u
Sii walwalay markuu arkay dumarkii uu wada furay Oo inta la guursday ubad wada dhalay

Ninkii Oo ay jiq ku tahay ayay hooyadii ku tidhi hooyo guurso ubad ayaan kuugu duceeyee isna haye ayuu ugu soo gaabiyay taladii hooyadii isagoo aaminsan in aanay gabadhi yeeli doonin una dhalidooni maadama bulshadii uu ka guursan lahaa madhalays u aamineen.

Mudo markuu fikiraayey ayuu deegaan aan laga aqoon gabadh kasoo guursaday kadibna waa loo dhisay waxaanay noqotay xaaskiisii 4aad madaama uu 3 hore soo furay.

Markuu sanad joogay ayay gabadhi uur u qaaday kadib wuu rumaysan waayay
Kadib hooyadii ayaa ku tidhi “hooyo gabadhu way kuu dhalaysa”

kadib wuxuu ugu jawaabay ‘bal aan eegno uuraysatee waxay Umuli doonto” madaama isaga uurku Dhib ku hayay

Kadib ninkii Oo aamini waayay in uur loo yeeshay ayaa qof kasta ku salaama bal aan eegno uuraysatee waxay Umuli doonto
Mudo kadib gabadhii ayaa u dhashay wiil iyo gabadh mataano ah .
W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid