Zinedine Zidane ayaa shaaciyey liiska ciyaartoyda kooxdiisa ee kulanka Sabtida ee Madrid derby ee ay ku qaabbilayaan Atletico Madrid oo uu ka dhaxeeyo xafiiltan magaalaysan.

Dani Carvajal iyo Fede Valverde ayaa tababarkii Jimcihii si taam ah ula dhamaystay ciyaartoyda kale ee kooxdan, waxaana labadoodaba lagu soo daray liiska ciyaartoyda Los Blancos ee kulankan muhiimka u ah kooxdooda.

Tababare Zidane ayaa helaya difaac midig oo uu isku hallayn karo oo beddelaya Lucas Vazquez oo si ku-meelgaadh ah booskaas uga ciyaarayay muddadii uu Carvajal dhaawaca ku maqnaa. Sidoo kalena waxa soo laabtay Odriozola oo kulamadii ugu dambeeyey ku jiray kaydka kooxda.

Advertisements

Khadka dhexe oo ay dhibaato ka jirtay ayaa waxa uu Zidane dib u helay Valverde oo ah xiddiggii u horseeday guushii koobka Spanish Super Cup ee sannad ka hor, waxaana laba maalmood oo uu tababarka qaatay kaddib lagu soo daray liiska kooxda.

Eden Hazard, Martin Odegard, Luka Jovic iyo Mariano Diaz ayaa dhamaantood ka maqan kulankan oo dhaawacyo qaba, waxaanay taasi ka dhigan tahay in Benzema ay afka hore la wadaagi doonaan Vinicius Junior iyo Rodrygo, haddii aanu Zidane midkood ku beddelin Marco Asensio.

Sergio Arribas oo ciyaartii Champions League ee Borussia Monchengladbach beddel kusoo galay ayaan lagu soo darin liiska, balse waxa khadka dhexe ku diyaarsan Kroos, Modrid, Casemiro, Isco iyo Valverde oo kusoo biiray.

Liiska ciyaartoyda Real Madrid ee kulanka Atletico Madrid

Goolka: Courtois, Lunin and Altube.

Difaaca: Carvajal, E. Militão, Sergio Ramos, R. Varane, Nacho, Marcelo, Odriozola and Mendy.

Dhexda: Kroos, Modrić, Casemiro, Valverde and Isco.

Weerarka: Benzema, Asensio, Lucas V., Vini Jr. and Rodrygo.