Israel ma dooneyso inay dagaal la gasho Xizbullah, hase yeeshee waxay diyaar u tahay inay maalinkii wajahdo 2,000 oo gantaal oo kaga yimaada kooxda reer Lubnaan haddii dagaal uu qarxo, waxaa sidaas AFP u sheegay sarkaal militari oo Israeli ah.

Bishii May ee sanadkan, ciidamada Israel ayaa dagaal socday 11 maalmood la galay kooxda Xamas ee Marinka Gaza, kuwaas oo Israel kusoo tuuray 4,400 oo gantaal.

Israel waxay sheegtaa in habkeeda difaaca gantaallada ee Iron Dome uu dhexda ka qabtay 90% gantaalladaas ayada oo kaliya 300 ay ku dhaceen degmooyin la degan yahay.

Bishii May, magaalooyinka Tel Aviv iyo Ashdod waxay wajaheen “tiradii ugu badneyd oo gantaallo lagu soo tuuray ah taariikhda Israel,” waxaa sidaas yiri Uri Gordin, oo ah madaxda Taliska Difaaca Gudaha ee ciidamada Israel