Hargeysa (Dhexnimo media.com) Xukuumadda Somaliland, ayaa cod-baahiyayaal bulshadda laga wacyigelinayo, xannuunka Covid-19 ku xidhay jidadka halbowlayaasha u ah isu-socodka gaadiidka iyo dadka ee magaalada Hargeysa.

Waxaana bulshadda looga digaya halista iyo faafinta xannuunka safmareenka ah ee Covid-19.

Dhanka kale bulshaweynta suuqyada u soo ciid doonatay ayaad mooda, in aanay kaba warqabin halista Covid-19, islamarkana aanay ku baraarugsaneyn.

Hadaba sidii dadkan loo badbaadinlaha xukuumadda Somaliland haku darsato qorshaha, oo dawlada dhexe iyo dawladda hoose oo iskaashaya ha sameeyaàn goobo ku meel gaadha oo dadka maryaha ciida soo doonanayaa meel ay wax ka iibsadaan.

Sawirka cod-baahiyayaasha lagu xidhay jidadka ee bulshada lagaga wacyigrlinayo xannuunka Covid-19/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan

Sawirka saxmadda suuqa suuqa Waaheen ee agabka ciida u soo doontay/xuquuqda sawirada wargeyska Dawan

Sawirka sawaxabka bulshadda agabka ciida u soo doonatay suuqa Waheen ee magaalada Hargeysa/xuquuqda sawirka wargeyska Dawan