Atletico Madrid ayaa xalay garoonkeeda Wanda Metropolitano guul muhiim ah kaga gaadhay Liverpool oo ay isku haleeleen kulanka hore ee wareegga 16-ka tartanka Champions League, taas oo siisay faa’iido ah in ay sii haysato hal gool iyo shabaq nadiif ah ka hor inta aanay tegin Anfield lugta labaad.

Ciyaarta ayaa  ku bilaabantay xaalad iyo jewi xamaasaddiisu sarrayso, waxaana udub dhexaad u ahaa xag-xagashada iyo xamaasadda aan nefiska lahayn ee ciyaaryahannada iyo tababaraha Atletico Madrid oo si isku mid ah ugu dhaqmaya gudaha garoonka iyo diilinta bannaanka oo uu macallinka la taagan yahay dagaal la mid ah ciyaaryahannada gudaha ku jira.

Bilowgiiba, waxa Atletico ay ku dedaashay in kubaddu aanay dhulka fadhiisato si ay Liverpool uga dhabqiso qorshe ciyaareedkooda, isla markaana u noqoto mid madax ama lug lasoo geliyo oo laacibka isku daya inuu dejiyo oo dhulka dhigana ay laba ciyaartoy oo kooxda Simeone ah degdeg ah ugu yimaaddaan.

Daqiiqaddii afraad ayay Atletico u caddaatay in qorshahooda ciyaareed ay ku guuleysanayaan, markaas  oo uu Saul Niguez tijaabiyey goolhaye Alisson oo uu ka dhaliyey kubbad diciif ah oo uu hortiisa ka helay kaddib koorne lasoo laagay.

Haddaba waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa saddexdii arrimood ee sababta ugu noqday Atletico Madrid inay guusha hesho, kuwaas oo haddii ay ku celiyaan lugta labaad ee Anfield ay mar kale ku heli karaan libin ay wareegga siddeed-dhamaadka ugu gudbnaan.

3. Atletico Madrid waxay abuurtay tiro xaalado kala guur ah oo ka caawiyey inay marar badan ka gacan sarrayso Liverpool

Ka hor kulnakii Liverpool ee xalay, Ateltico waxay hore usoo badisay hal mar oo kaliya toddobadii ciyaarood ee ugu dambeeyey dhamaan tartamada, taaasina waxay keentay in dad badan ay shaki geliyaan fursadda ay Los Robiblancos u heli karayso inay ka adkaan karto Liverpool, hase yeeshee kooxda reer Spain oo uu maskax u yahay Diego Simeone waxay la timid taatiko iyo ciyaaar layaab leh oo ay guusha kaga qaadatay kooxda kooxda koobka difaacanaysa.

Taatikada uu soo dejiyey Simeone, waxay ahayd in kooxdu isku duubnaato, si fiican oo isku xidhan u wada shaqayso min difaac illaa weerar, waxaanay ogolaatay in Liverpool ay kubadda iska haysato marar badan maadaama ay ka xoog badan tahay, hase yeeshee mar kasta oo ay kubaddu lugta u gasho Atletico, waxay usoo wada dhaqaaqayeen hore iyagoo taxadar dheeraad ah muujinaya.

Advertisements

Marar dhawr ah, Los Rojiblancos waxay abuurtay xaalado kala guur ah oo gacanta sare ee ciyaara siinayay, gaar ahaan khadka dhexe. Thomas Lemar ayaa kusoo bilowday garabka bidix oo ahayd halka uu caadiyan ka ciyaaro, baasha kalena waxa soo fuulay Saul, waxaanay labadoodu qaybtii horeba orod, goysmooyin iyo kubbado ka keeneen boosaskooda, iyagoo ku qasbay Arnold iyo Robertson inay goolkooda dabada geliyaan oo ay ku dhiirran waayaan inay qayb ka noqdaan socodsiinta kubadda Liverpool ee afka hore oo ay saami weyn ku leeyihiin. Xaaladdaniw axa kale oo ay ku qasabtay Liverpool in uu khadka dhexe kusoo dego weeraryahanka Roberto Firmino si uu u caawiyo Henderson, Wijnaldum iyo Fabinho oo uu ku dhacay culays u diiday inay kubadda abuuraan.