People wave Turkey's national flags as they attend a ceremony marking the first anniversary of the attempted coup at the Bosphorus Bridge in Istanbul, Turkey July 15, 2017. REUTERS/Murad Sezer - RC11D232ECA0

Qalabkii Ugu Horeeyey ee Difaaca Ay Soo saartay Turkiga Ayaa Noqotay Mid Halmar Quwadaha Waaweyn Soo Jiitey,Ilaa Maanta xataa Ay Dalbatay Inay iibsato Imaraadka Carabta oo cadow Yahiin Turkiga oo Weheliyaan Dalalka Ruushk iyo Pakistaan.

Shirkad maxali ah oo fadhigeedu yahay koonfurta dalka Turkiga Ayaa  sameysay hanaan digniin hore si wax looga qabto halista ka imaaneysa diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan (UAV) Waxana Hada Qalabkani Adeegsanaya ciidamada qalabka sida ee Turkiga (TSK) ayaa hada isku diyaarinaysa inay sameyso dhoofkeedii ugu horeeyay ee Ruushka.

Maaha Wax Fudud Marka loo eego Qalabkani Digninaha Hore ee ka Hortaga Droneska oo dalbanayaan dalalka Cadowga u Ahaa Turkiga Maanta wax soo saarkeeda,Hada waxaynu Akhrinaynaa Daily sabah ee Turkiga,Ruushka Ayaa Xataa Ogaanaya Turkiga Inuu yahay Awood Mustaqbalka uu ku Xisaabtami Doono Difaaceeda.

Nidaamka Teknolojiyada Difaaca Qaranka ee  Inc., oo soo Saareen Shirkadaha Turkiga ee  koonfurta gobolka Antalya, waana  nidaamka difaaca hawada digniinta hore ee KALKA.

Nidaamkani kahortaga diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drones-ka, oo Kol Dhow uun  loogu daray keydka shirkadda TSK, ayaa sidoo kale soo jiitay indhaha dibadda, haddana dhoofinta ugu horreysa ee nidaamkan waxaa loo sameyn doonaa shirkad gaar loo leeyahay oo ku taal Ruushka.

Bekir Yalçın, iskuduwaha cilmi baarista iyo horumarinta ee shirkadda (R&D), ayaa u sheegay Anadolu Agency (AA) Talaadadii in nidaamkan loo soo saaray si looga hortago , Weerarada Diyaarad ee  ay fuliyaan argagixisada ama howlaha , bambooyinka .

Isaga oo ku sifeynaya nidaamkan inuu yahay “nidaamka gawaarida lagu rakibo ee ka hortaga diyaaradaha aan duuliyaha laheyn,” Yalçın ayaa sheegtay in gebi ahaanba lagu soo saaray qaab maxali ah.

Waana  nidaamkii ugu horreeyay ee noocan oo kale ah ee laga soo saaro Turkiga, oo Lagu Magacaabo “KALKA”waxay heshay rukhsadaha lagama maarmaanka u ah wax soo saarka ballaaran, ayuu yiri Yalçın. “Illaa iyo hadda, waxaa jira dalabyo ka imanaya Ruushka, Sri Lanka, Bangladesh, Malaysia, Qatar, Pakistan, Afghanistan iyo Imaaraadka Carabta.”

Dhoofka Ugu Horeeya oo Ah  Ruushka waxaa suuragal ah in la sameeyo dhammaadka sanadka, ayuu yiri. Maaddaama ay shirkaddu ku dhowdahay inay xirto heshiisyada ay la geleyso shirkadaha qaar dalal kale oo ay wada-xaajoodyadu sii socdaan, waxaa si fudud loo oran karaa “maalmo aad u wanaagsan ayaa sugaya warshadeenna difaaca,” ayuu raaciyay.

Wuxuu xusay in shirkada Ruushka ah ee soo iibsatay Qalabkani ay isticmaali doonto KALKA si ay u ilaaliso xarumaheeda.

Yalçın ayaa sidoo kale sheegay in wafti ka socda Pakistan ay yimaadeen Antalya si ay u soo arkaan howlaha KALKA isla markaana ay u kuur galaan qalabka, shirkadduna waxay soo bandhigtay demo.

“Aaladda waxaa loo doonayaa in loogu isticmaalo amniga ,  Pakistan,” ayuu yiri.

Yalçın wuxuu sheegay in waftiga Pakistaan ​​ah, oo ay u soo bandhigeen macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan qalabkan, ay ku qanceen nidaamka, wuxuuna intaas ku daray: “Ahmiyadeena hadda waa inaan soo bandhigno shaqooyinkeeda, astaamaha iyo faa iidooyinka ay ka helaan dhiggooda macaamiisha. Waxaan u maleynayaa inaan ku guuleysanay arrintan. ”

Isaga oo carabka ku adkeeyay in shirkaddu ay ku shaqeyso wax ka badan hal waax iyo in dhoofinta badan la qorsheeyay, Yalçın wuxuu sheegay inay aad ugu hanweyn yihiin inay dibedda ku ballaadhiyaan nidaamka oo gebi ahaanba ka shaqeeya injineerada Turkiga.