Liverpool ayaa laga yaabaa iney dhibaato xoog leh kala kulanto xiriirka qaaradda Afrika ee CAF maadama ay isha ku hayaan iney dib usoo celiyaan qorshe ay horay ugu dabaqi jireen koobka qaramada qaaradda Afrika.
Sida la fahamsan yahay koobka qaramada qaaradda Afrika ayaa laga yaabaa in dib loogu soo celiyo wakhtigiisii hore ee horaanta sanadka, waxaana la ogaa in sanadkii 2019 guddiga tartamada xiriirka ay waqtiga xagaaga u guuriyeen qabashada tartanka.
Tartankii lagu qabtay Masar sanadkii lasoo dhaafay waxaa la qabtay bartamaha sanadka, waxaana jira warbixino ifinaya in tartanka dib loogu celin doono bilaha January iyo February.
Wararka la helayo waxey sheegayaan in guddiga fulinta xiriirka CAF kulankii ay maanta ku yeesheen magaalada Yaounde ee dalka Cameroon oo uu goob joogna ka ahaa madaxweyne Ahmed Ahmed laga dareemay in qorshahaas la doorbidayo.
Si kastaba Ahram Online ayaa sheegtay in sababo la xiriira heer kululka iyo sida ay cimilada noqon doonto darteed loo doorbidayo bilowga sanadka, sidoo kalana ay tahay la macaamil fiican oo dhanka FIFA ah maadaama ay tartan u dareemeyso iyadoo uu kusoo fool leeyahay koobka Adduunka.
Advertisements
Sheekadaan waxey dhibaato ku noqoneysaa kooxo badan oo qaaradda yurub ka dhisan, kuwaas oo heysta xiddigo miisaan ugu fadhiya oo qaaradda kasoo jeeda, Liverpool ayaana dhibaato la kulmi karta maadaama Mohamed Salah iyo Sadio Mane ay dalalkooda matali karaan.
Sidoo kale Naby Keita ayey macquul tahay inuu ka baxo kooxda hadii ay wadankooda soo gudbaan, sidoo kale Arsenal ayaa qudheeda dhibaato la kulmi karrta maadaama ay heystaan laba xiddig oo wadamadooda laga tixgeliyo Pierre-Emerick Aubameyang iyo Nicolas Pepe.