Xiisada ka aloosan geeska ayaa qarka usaaran in dagaal dalal kale taagerayaan ka dhex qarxo Sudan iyo Itoobiya. Dagaalkan waxaa sabab u noqon kara dhulka xuduudka Sudan qabsatay oo aysan Itoobiya waddo kale kusoo celin karin, siddoo kale waxaa dagaalka sabab u noqon karta xiisada biyaha ee u dhaxaysa dalalka Masar, Itoobiya iyo Sudan.
Dalka Itoobiya wuxuu heshiis iskaashi ciiddana la saxiixday dalka koonfur Sudan. Sudan oo heshiiskaas shaqo guri u qaadatay ayaa Masar la saxeexatay heshiis ka culus midkii Itoobiya & Koonfur Sudan, taliyaha ciddamada Masar oo xiligaas khudbad jeediyay wuxuu sheegay in danaha Sudan yihiin danaha Masar, haddii wax hagar daamiya yimaadana kaliya ay sugayaan fariin. Dadka siyaasada gobalka u dhuun duleela waxay haddalkan taliyaha Masar ku tilmaameen “Mid lagu marti qaadayo dagaal wajigiisii hore bilawday”. Heshiiskan waxaa ka horeeyay mid Sudan iyo Masar qalinka ku dugeen, islamarkaana ay sheegeen innay xasiloonida gobalka iska kaa shan doonaan.
Intaas un kuma koobna dalalka Sudan iyo Masar waxay toddobaadkan ka arrinsadeen xiisada biyaha oo ay meel adag ka wadda istaageen. Wafuud sar-sare oo uu hoggaaminago madaxwaynaha Masar, Al-Sisi ayaa maalintii shalay Sudan soo gaadhay. Wuxuuna khudbadiisii kusoo uruuriyay innaysan Itoobiya biyaha buuxin karin, ilaaa heshiis laga gaadhayo. Digniinaha Biyuhu markan siddii hore way ka duwan yihiin, Sudan oo kolba dhinac arrimaha biyaha taagersanayd, hadda waxay raacday Masar. Xiliga biyo buuxinta Itoobiya sugayso waxaa ka dhiman saddex bilood, waana sabbabta dagaal Sudan soo dhexmara oo biyaha salka ku haya looga cabsanayo
Qaybta Labbaad akhri maqalka xiga….
xigasho
Voss Tv