Xiddig Qirtay Inuu Been U Sheegay Liverpool Si Ay U La Saxiixdaan & Beentii Uu Sheegay Oo Uu Shaaca Ka Qaaday

Xiddigii hore ee Liverpool Maxi Rodriguez ayaa qirtay inuu been sheegay si uu uga dhaadhiciyo Rafa Benitez inuu la soo saxiixdo sannadkii 2010.
Weeraryahankii hore ee Atletico Madrid ayaa dhameystiray ku biiritaankiisa Anfield ka dib markii uu u sheegay tababarihii waqtigaas inuu ku hadli karo luqada Ingariiska.
Madaama uu si weyn u doonayay inuu ka ciyaaro Premier League, xiddigii hore ee Argentina oo weli garoomada ku jira isagoo 39 sanno jir ah ayaa qirtay inuu been u sheegay Benitez.
Rodriguez ayaa sharaxaad ku bixiyay: “Rafa waxa uu ii sheegay inay muhiim aad u weyn tahay in qof walba uu ku hadli karo luqada Ingariiska qolka labiska dhexdiisa.
“Wuxuu i weydiiyay haddii aan ku hadli karo luqada, waxaana ku iri: haa, dabcan ee isdeji.
“Dabcan ma aanan dooneynin inay wadahadalada burburaan sidaasi darteed waxaan u sheegay been yar.
“Markii aan imid England, waxaa jiray shir jaraa’id, Rafa ayaa ii sheegay inuu isagu hadli doono marka hore ka dibna aan aniga hadli doono.
“Waa markaas markii aan garabka ka soo qabtay kuna iri: eeg Rafa, waxaan u baahanahay inaan runta ku sheego. Ma garanayo luqada Ingariiska. Waxa kaliya aan aqaano waa salaanta.
“Rafa ayaa igu yiri ‘waxaad tahay mid ay dh*lo dhashay’
“Laakiin wixii ka danbeeyya markaas waxay inoo aheyd dhacdo aan labadeenaba ku qosolno, waana bartay luqada Ingariiska.
“Aad ayaan ugu fiicnaa Atletico. Waxaan ahaa kabtanka, magaaladana si fiican ayaan u garanayay.
Advertisements
“Laakiin kubada cagta Ingariiska ayaa iga dhigtay mid waalan, waxaan doonayay inaan halkaas ka ciyaaro.”
Xiddiga reer Argentina ayaa 73 kulan u saftay Liverpool isagoo u dhaliyay 17 gool labo sannadood iyo bar uu halkaas joogay.