Sida ay Shaacisay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Raashiya ayna ogaatay Mustaqbal Media Xasan Khayre Ra’isalwasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa booqasho qarsoodi ah kujooga magaalada Moosko ee xarunta u ah Ruushka, Xasan Khayre ayaa u baxay safar uu sheegay in uu ku tegayo Turkiga hayeeshee diblomaasiyiin Ruush ah ayaa sheegay in safarkiisu ahaa kuna Wajahnaa Raashiya hayeeshee uu ku dhar beddelanayey Turkiga si aan loo ogaan booqashada oo loogu talagalay in ay ahaato Qarsoodi
Sida ay Sheegtay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Raashiya madaxda Ruushka oo ay kujiraan saraakiisha Arrimaha dibadda iyo sirdoonka Raashiya ayaa Xasan Cali Khayre kala hadlaya Dhaqaalaha, Nabadgelyada, Doorashooyinka Soomaaliya iyo Iskaashiga Ruushka & Soomaaliya oo xiriirkoodu xumaaday sanadkii 1977.
Arrintan ayaa shaki gelineysa dhab ahaan waxa kajira Khilaafka siyaasadeed ee uu sheegto Khayre in uu kaladhexeeyo madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo guud ahaan xukuumadda Waqtigeedu dhammaadka yahay ee Nabad & Nolol.
Xasan Khayre ayaa shaaciyey in uu u sharraxan yahay xilka madaxweynaha Soomaaliya doorashooyinka madaxtooyada 2021