Weriye ka mid ah kuwa ugu caansan Laanta afka Soomaaliga ee BBC oo geeriyooday
Mid ka mid ah wariyeyaashii ugu caansanaa laanta Afsoomaaliga ee BBC-da ayaa ku geeriyooday goor dhow magaalada London ee waddanka Ingiriiska.
Axmed Cabdinuur, oo Soomaalidu ay si weyn magaciisa iyo codkiisaba u yaqaanneen ayaa u geeriyooday xanuunka safmarka ah ee Covid-19, sida ay noo xaqiijisay xaaskiisa.
Warka ku saabsan geeridiisa ayaa aad uga nixiyay guud ahaan asxaabtii ay isla soo shaqeeyeen iyo guud ahaan bahda saxaafada Somalia.
Saacado ka hor ayuu Ahmed Page-kiisa facebook soo dhigay qoraal uu kaga hadlayey arrimaha siyaasada Somalia.
Axmed Cabdinuur ayaa BBC-da ku biiray bishii June ee sanadkii 1996 wuxuuna noqday weriyaha Laanta Afka Soomaaliga ee magaalada Muqdisho ka hor inta aan loo wareejin London.