Waxyaabaha Sababa Shahwada Oo Dhiig Yeelata
shahwada oo dhiig yeelata:
Shahwada oo yeelata dhiig waxay ragga galisaa cabsi iyo wal wal. Balse nasiib wanaag maahan shay keeni kara khatar caafimaad oo aad u wayn.
Ragga kayar 40 sano oo aan lahayn wax calaamado ah ama aan isku arag waxyaalo kale oo cabsi galiya hadii ay shahwadoodu dhiig yeelato maahan inay cabsadaan ama wal walaan, waayo xaaladani kuma ahan khatar caafimaadkooda wayna iska dhamaataa ayadoo aan la dawayn.
Balse ragga da doodu ka wayntahay 40ka sano hadii ay shahwadoodu dhiig yeelato waxay u baahanyihiin inay baaritaan caafimaad oo degdeg ah sameeyaan. Tusaale ahaan hadii aad isku aragtid qodobada soo socda waxaad u baahantahay inaad dhakhtar kala tashatid xaaladaada,
Hadii dhawr jeer ay shahwadaadu dhiig yeelatay
Hadii aad calaamado kale isku aragtay markaad kaadinaysid ama aad biya baxaysid
Hadii aad qabtid cudurka kansarka iskuna aragtid dhiig la socda shahwadaada.
Maxaa sabbaba in shahwada raggu dhiig yeelato?
Infekshan iyo caabuq
Cudurada lagu kala qaado galmada
Dhaawac soo gaara xubinta taranka ragga ama tuubooyinka soo qaada shahwada
Tuubooyinka soo qaada manida oo xirma
Kansarka ku dhaca qanjirka borosteyt-ka
Calaamadaha :
Kaadida oo ku gubaysa xanuun darana yeelata
Kaadi haysta oo aan marnaba maranayn
Kaadi haysta oo xanuunta Marwalba oo kaadi soo gashabab
Biya baxa oo xanuun yeesha
Xubinta taranka ragga oo barrarta
Qandho, cadaadiska dhiiga oo kaca iyo wadne garaacis,
Talo:
Hadii aad ka yartahay 40 Sano manidaadana aad dhiig ku aragtid badanaa uma baahnid inaad dhakhtar u tagtid hadiiba;
Aadan Isku arag calaamado kale
Aad samaysay baaritaan ama qaliin la xiriira qanjirka borosteyt-ka kaasoo kuu cadeeyay in qanjirku xoogaa yar dhiig ah soo daynayo
Hadii dhiiga la socda shahwadaada uu yahay mid yar kaasoo aan ahayn wax la arkayo waqti walba
Hadii da daadu ka wayntahay 40 sano dhiigna aad ku aragtid manidaada waxaad u baahantahay inaad dhakhtar la tashatid;
Hadii dhiigu uu kaadidada la socday waqti badan ama isbuucyo
Hadii dhacdadu marar badan soo laa laabatay
Hadii aad isku aragtay calaamado kale sida, kaadida oo xanuun ah
Hadii aad qabtid kansar ama cudurada galmada la iskugu gudbiyo
-Barocaafimaad