Wasiir kala tuuray Gabar Waardiye ah oo xilka iska casilay raali galina bixiyay

Xildhibaan katirsanaa baarlamaanka dalka Rwanda sidoo kale ahaa Wasiirkii arrimaha sharciga Rwanda, Evode Uwizeyimana ayaa xilka iska casilay, kadib markii uu kala tuuray gabar Waardiye aheyd.
Wasiirka ayaa la sheegay in uu kala tuuray gabar Waardiye ka aheyd xafiis uu tagay, waxaana dhacdadan si weyn loogu baahiyay baraha bulshada taa oo keentay in Wasiirka si deg deg ah isku casilo.
Evode Uwizeyimana ayaa ka qoomameeyay falkii uu kula kacay gabadha waardiyaha aheyd, waxa uuna raali galin siiyay gabadha uu kala tuuray uu ugu tagay xafiiskii ay ka shaqeeneysay.
Ra’isul Wasaaraha dalka Uganda ayaa aqbalay is casilaada wasiirkan katirsanaa Xukuumadiisa, waxaana is casilaada wasiirkan siyaabo kala duwan aragtiyo uga bixiyay shacabka Rwanda.