Joe Biden xilligii uu madaxweyne ku xigeenka ahaa, 2010-kii uu booqasho uu ku tagay kenya

Taxanaha BBC Afrika ee warqadda ay soo diraan saxafiyiinta, waxaan isbuucan ku soo qaadaneynaa, Waihiga Mwaura oo eegaya waxa qaaradda ay ka fileyso madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Short presentational grey line

Waxaa la fidiyay roogga cas, meesha kullanka uu ka dhacayay waxaa buux-dhaafiyay dad badan, amnigana aad ayaa loo adkeeyay. Ka dib Joe Biden ayaa soo koray masraxa si uu hadal u jeediyo.

Waxay arrintaas ka dhacday magaalada Nairobi, sannadkii 2010-kii oo Biden uu ahaa madaxweyne ku xigeenkii Mareykanka.

“Waxaan filayaa in sababta aan halkan u imid aysan ahayn inaan wax idiin meeriyo,” ayuu yiri. Wuxuu matalayay weji markasta looga bartay wax meerin.

“Ma ahi,” ayuu carabka ku sii adkeeyay. “Balse inta badan dhaqaalihiina waxay ku lumeen si musuqmaasuq ah, mana jiro masuul sare oo lagula xisaabtamay dembigaas.

US President Donald Trump and Nigeria"s President Muhammadu Buhari take part in a joint press conference in the Rose Garden of the White House on April 30, 2018 in Washington, DC.
Qoraalka sawirka,Madaxweyne Trump, ayaa la arkay isagoo la sawirran madaxweyne Nigeria oo wax ka badalaya wejigii looga bartay Mareykanka.

Waxaan ka mid ahaa dadkii daawanayay, xilligaasna Mareykanka wuxuu ahaa muraayadda dimuquraadiyadda iyo kala dambeynta. Waxaa loo arkayay dhulka xuriyadda, geesinimada iyo dhiiragelinta riyada oo rumowda.

10 sano ka dib wax badan ayaa is bedelay.

Haddaba, Biden ma joojin doonaa arrintii ahayd in Afrika wax loo meeriyo? – Muxuu yahay micnaha uu yeelan karo Biden, haddii maanta uu soo booqdo Kenya?

Siyaasadihii Trump ee Mareykanka ka horumarinayay wax kasta, ayaa dib u qeexay muuqaalka dalkaas ee caalamka. Balse muuqaalkaas waxaa xumeeyay hadalladiisa iyo ficilladiisii – waxaa ka mid ahaa hadallo qalafsan iyo kuwo lagu tilmaamay aflagaado.

Sidoo kale, waxaa suuragal in xafiiska madaxweynaha iyo shaqsiyaadka la kala saaro. Haddaba iyadoo la eegayo wixii dhacay afartii sano ee la soo dhaafay, Biden waa in uu Afrika ula hadlaa qaab ka duwan midkii hore, farriintana ay is bedeshaa.

‘Magaalo aan sii ifi doonin’

Tusaalooyiinka la xiriira sida in Trump uu u huriyay xaaladihii iyo dhaqamadii caadiga ahaa, uu na baabi’iyay sidii Mareykanka loo arki jiray, hadda waxaa adkaan doonto in wax badan uu Biden ku celiyo sidii ay ahaan jireen.

Balse marka laga soo tago in uu diiday in xogta canshuur celintiisa uu shaaciyo, sida uu u liiday hay’adaha sirdoonka iyo in uu diiday hadallada seynisyahannada ee coronavirus, waxaa kaloo jirta arrintii 6-dii bishan January ee dad taageersan Trump ay qabsadeen dhismaha US Capitol, taas oo muujisay arrinta dhaafsiisan hal qof.

President Biden signs documents with Vice President Kamala Harris by his side
Qoraalka sawirka,Madaxweyne Biden ayaa shaqo billaabay islamarkii xilka loo dhaariyay, Arbacadii.

Mareykanka markan ma ahan magaaladii ka ifeysay buurta dusheeda.

Shan qof ayaa dhimatay xilligii dadkaas ay isku deyayeen in ay joojiyaan kullan isku dhaf ah oo u dhexeeyay labada aqal ee Baarlamaanka Mareykanka oo lagu aqoonsan rabay madaxtinimada Joe Biden.

Waxaa arrintaas ka dhashay in madaxweynihii xilka banneeyay uu isku deyay in uu afgembi ku sameeyo maamulka si uu xilka u sii haysto.

Dunida ayaa daawaneysay xaalado cakiran oo horey loogu arkay keliya dalalka aysan dimuquraadiyaddooda horumarsaneyn.

Wargeysyada qaar ee caalamka ayaa arrintaas ku tilmaamay “fowdo” iyo “ceeb wayn” – waxayna qaarkood Trump ku tilmaameen “qof ceeboobay oo weji-gabax la kulmay”.

Mr Biden wuxuu Aqalka Cad la wareegay isagoo og in dunida aan marka laga xushmeyneyn Mareykanka – sidii ay ahaan jirtay in ay wax iska bedeleen.

Taasi waxay caqabad ku noqon kartaa dowladnimada qaaradda oo dhan ka jirta.

Madaxweyneyaasha hadda kama baqi doonaan Mareykanka, wayna u fududaan doontaa in ay diidaan walaaca iyo hadallada la xiriira hannaanka dimuquraadiyadda.

Ka dib doorashadii Uganda, madaxweyne Yoweri Museveni wuxuu warbaahinta reer Galbeedka u sheegay in xarigga iyo xannibaadda lagu hayo dibad baxayaasha ay tahay arrin looga hortagayo in ay dhacaan wax la mid ah arrimihii ka dhacay Washington.

1px transparent line

Marka ereyada militariga loo eego, Sanado badan waxaa Mareykanka lagu tilmaamayay booliska dunida, balse marka laga hadlayo dimuquraadiyadda waxaa loo arkayay midka ugu fiican.

Hadda, dhaqdhaqaaqyada mucaaradka ah iyo ururada bulshada ee ka jira Afrika ma ku tiirsanaan karaan Mareykanka in uu ka taageero arrimaha doorashooyiinka?

In kastoo amniga aad loo adkeeyay, haddana awoodda si nabad ah ayuu Biden ula wareegay, waxaana dib u soo noqday shaqadii dowladda iyo Congress-ka Mareykanka. Waxay ka hadlayaan muhiimadda ay leeyihiin hay’ado dowli ah oo awood leh oo dhaafsiisan shaqsiyaad.

Sidoo kale Biden waxaa suuragal ah in uu hadda og yahay ama dareemayo sida ay tahay nolosha marka hoggaamiye uu si fudud u bedelo karo siyaasaddii dhaqanka ahayd iyo xaaladaha caadiga ah.

Sikastaba, wuxuu u baahan yahay in uu si fudud oo deggan u akhriyo xiriirka kala dhexeeya Afrika. Waana in uu si ka fiirsasho leh u qiimeeyaa hadalladiisa iyo talooyiinka uu siinayo qaaradda.

XG:BBC