Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola ayaa kulan gaar ah la qaatay ciyaartoyga kooxdiisa, waxaanu kala hadlay xaaladdii ugu dambaysay ee qalalaasaha ku abuurtay ee ganaaxa ay UEFA ka saartay tartmada Yurub, sida Champions League iyo Europa League, taas oo aan loo ogoleyn inay labada xili ciyaareed ee soo aaddan ka qayb-gasho.
City waxay go’aankan ka qaadatay rafcaan ay u gudbisatay maxkamadda CAS, waxaanay waqti u haysataa muddo 15 maalmood ah oo ay tahay inay jawaab kaga bixiso kiisaska loo cuskaday ganaaxa.
Lama hubo nooca ay noqon doonto jawaabta ay ka heli doonto Manchester City, laakiin waxa la ogyahay in ganaaxan uu niyad jab ku riday tababare Pep Gardiola oo hore usoo layliyey kooxaha Barcelona iyo Bayern Munich, waxaanay hadal haynta suuqa ku jirtaa tahay in aanu sii joogi doonin City haddii uu ganaaxu hirgalo.
Sida ay sheegtay warbaahinta The Athletic, tababaraha reer Spain waxa uu Sabtidii shir gaar ah la yeeshay ciyaartoyga oo gaar ahaa, lamana sheegin in masuuliyiinta kooxdu ay joogeen iyo in kale, hase yeeshee waxa xaadir ku ahaa dhamaan ciyaaryahannada kooxda oo aanay cidi ka maqnayn.
Guardiola waxa uu ciyaaryahannada dareensiiyey xaaladda adag ee ay kooxdu ku jirto, waxaanu hadalkiisa oo koobnaa ku dul istaagay dhawr qodob oo ay ugu horreysay kala war qaadasho iyo go’aanka mustaqbalkiisa oo uu u war dhigay.
The Athletic oo soo tabiyey kalmadihii Pep Guardiola, ayaa waxa ka mid ahaa: “Hadda, si ka badan sidii hore, waa inaynu muujino inaynan ahayn koox lacag kaliya ku dhisan ee ah naadi ay joogaan ciyaartooyo hibo iyo tayo leh.”
Advertisements
Ciyaaryahannada ayaa ka falceliyey hadalka tababarahooda, waxaanay u sheegeen in ay wax walba u samayn doonaan in ay soo bandhigaan awooddooda ciyaareed oo ay ku guuleystaan ugu yaraan koobabka ay xili ciyaareedkan heli karayaan ee Carabao Cup oo ay finalka taagan yihiin, FA Cup iyo Champions League oo loo ogol yahay inay sii ciyaaraaan.
Tan iyo markii uu Pep Guardiola yimid Manchester City sannadkii 2016, waxa uu Pep Guardiola kharash gareeyey lacag ka badan £500 milyan isaga oo soo iibsaday 22 ciyaartoy.