Toddobaadkan caalamka Kubadda cagta waxa ka baxay mid ka mid ah halyeeyadii ugu caansanaa taariikhda ma guurtada ahna ku lahaa laydiga cagaaran. Waa Diego Armando Maradona. Wiilkii reer Argentine ee xirfadda kubadda cagta figta sare ka gaadhay illaa loo aqoonsaday kan ugu fiicnaa qarnigii 19aad. Uma socono in aan xirfaddiisii iyo taariikhdiisii kubadda cagta halkan idiinka mariyo balse waxaan qalinka u qaatay doc kale iyo wajiga qarsoonaa ee Maradona gaar ahaan dhnaca siyaasadda, waxa uu aaminsanaa iyo mawaaqif badan oo uu ka qaatay qaddiyadaha dunida sida amniga, siyaasadda iyo colaadaha. Sida uu ugu wanaagsanaa gool-dhalinta ma odhan karnaa waxa uu sidoo kale ku wanaagsanaa oo aanay in badani ka war hayn xaq u dirirnimadiisii.

Sannadkii 1987-kii oo ahayd sannad uun kadib markii uu xulka qarankiisa Argantine u hor seeday koobka kubadda cagta adduunka waxa uu booqasho ugu tagay oo ay markii ugu horraysay is arkeen Madaxweyne Fidel Castro oo ahaa Madaxweynihii hantiwadaagga ahaa ee waddanka Kuuba. Diego Maradona iyo Fidel Castro waxa ay wada qaateen muddo saddex saacadood ah oo kulan ah kaasi oo ka dhacay magaalada Havana ee caasimadda waddanka Kuuba. Wixii intaasi ka dambeeyey waxa ay lahaayeen xidhiidh joogto ah aadna way isugu xidhnaayeen illaa uu ka geeriyoonayay Fidel Castro 25-kii Noofambar sannadkii 2016. “Waxa ay inta badan ka sheekaysan jireen siyaasadda iyo arrimaha dunida iyo kolba xaaladaha soo wajahay dunida. Wax kale kama ay wada hadli jirin. Maradona aadbuu u jeclaa arrimaha siyaasadda waanu la socon jiray sida xaaladdu tahay mar walba. Waxa uu aad u necbaa siyaasadda leebaraaliyadda” sidaa waxa yidhi Alfredo Tedeshi oo ah nin ay saaxiibo aad isugu dhow ahaayeen Maradona. Sannadkii 2000 waxa uu Maradona muddo ku sugnaa cisbitaal ku yaalla waddanka Kuuba waxaana ay xidhiidh lahaayeen Fidel Castro. Waxa uu sannadkasi Maradona Kuuuba u tagay xaalad caafimaad waxaana Havana lagaga daawaynayay dhibaatada qabatinka daroogada oo uu aad ugu bahalaysnaa. Fidel Castro waxa uu xaaladda Maradona u xil saaray wakhtigaasi dhakhtar ku takhasusay daaweynta dadka daroogadu dilootay waxaana lagu dabiibayay cisbitaal Havana ku yaalla in muddo ah. Maradona oo geeridii Madaxweyne Fidel Castro ka hadlayay waxa uu yidhi “Waxa uu ii ahaa aabbo oo kale. Haa waxa uu ahaa aabbahay oo aan aad u jeclaa. Waxaan waayay aabbe noloshayda wax badan I garab taagnaa”.

Dad badani waxa ay xasuustaan taatuuga ama sawirka uu jidhkiisa ku xardhay ee ay lugta iyo garabka ugu sawirnaayeen laba qof oo dad badani aanay aqoonsan. Waxa uu lugtisa bidix ku sawirtay Madaxweyne Fidel Castro halka uu garabkiisa midi gee gacantana ku sawirtay Che Guevara oo ahaa nin kacaanyahan Marxist ah oo reer Argentine ah, waxa uu ahaa dhakhtar, qoraa, hogaamiye jabhadeed, diblomaasi, iyo xeeldheere militarig. Shakhsi weyn oo ka mid ahaa Kacaankii Kuuba ayuu ahaa, muuqaalkiisa qaabeysan ayaa noqday astaan ​​dhaqameed ka soo horjeedda oo jabhadeyn iyo wax iska caabbin ah. Aadbaanu Maradona u jeclaa waxaanu u ahaa nin uu ku daydo.

Advertisements

Hadallada siyaasadeed ee taariikhda galay ee Maradona laga reebay wax aka mid ahaa hadalkii cadhada Maraykan dhaliyay ee uu Telefishannada ka jeediyey sannadkii 2007. Waxa uu yidhi: “waan necebahay wax kasta oo ka yimaad Maraykanka. Maraykanka waxaan necebahay xaqiiqo ahaan si weyn baan u necebahay”. Hadalkan waxa uu jeediyay isaga oo wakhtigaasi ku sugnaa caasimadda waddanka Venezuella ee Karakas lana joogay Madaxweynihii waddankaasi Hugo Chavez oo ay isna aad isugu xidhnaayeen marka laha yimaad Fidel Castro. Diego Maradona iyo Hugo Chavez waxa ay ahaayeen laba nin oo saaxiibo ah waxaanu Maradona mar walba ku booqan jiray muddodii uu noolaa ee uu xilka hayay qasrigiisa Karakaas. Illaa uu ka geeriyoonayay Chavez Maarj 5-teedii sannadkii 2013.

Diego Maradona iyo dagaalkii Ciraaq:

Diego Maradona aadbuu uga soo horjeeday weerarkii Maraykanku ku galay waddanka Ciraaq ee duullaanka ahaa. Waxa uu saxaafadda mar walba ka jeedin jiray hadallo uu ku dhaliilayay hogaamiyihii Maraykanka George W. Bush. Waxaana ka mid ahaa tallaabooyinka la xasuusto ee Maradona sameeyey Booqashadii uu George W. Bush ku tagay sanandkii 2004 waddanka Argentine in Maradona u soo baxay waddooyinka isaga oo diiddan booqashada Bush ee Buenos Areas. Waxa uu ku labbisnaa Garan cad oo ay laabta kaga xardhan tahay Stop Bush iyada oo Magaca Bush la dhex galiyay calaamaddii naasiga. Waxa uu ku dhawaaqayay “Joojiya Bush” Joojiya Busha isaga oo ay ku soo xoomeen dad aad u tiro badani. Maradona waxa uu wakhtigaasi aad uga soo horjedday siyaasaddii Madaxweyne Bush iyo duullaankii Maraykanku ku qaaday Ciraaq.

Mar uu Diego Maradona la hadlayay wargeyska caanka ah ee The Guardian sannadkii 2004 waxa uu yidhi: “Waxaan ku faanayaa in aan ahay Argentini. Waxaan diiddanahay jiritaanka gudaafaddan ama qashinkan baniaadamka ah waa George W. Bush”.

Maradona iyo qaddiyadda Falastiin:

Diego Armando Maradona waxa uu sheegay in uu ku soo barbaaray nolol saboolnimo ah oo aad u adag. Waxa uu sheegay in aabihii ahaa nin danyar ah oo ka shaqeeya warshad sidaa darteed uu dareemayo nolosha ubadka Falastiin. “waxaan la dareen ahay dadka reer Falastiin. Ubadka daranyaysan, gaajoonaya ee haddana xabbadda lala dhaco ayaan ka xumahay. Waxaan ku talin lahaa oo aan ku baaqayaa in Falastiin yeelato waddan u gaar ah oo ay iyagu leeyihiin. Taasi ayaan aaminsanaan inta aan nolahay kuna shaqayn doonaa” sidaa waxa yidhi Maradona mar uu booqasho ku tagay qudusta bari sannadkii 2011. Sidoo kale mar uu warbaahinta la hadlayay sannadkii 2012 waxa uu yidhi: “Waxaan aad ula yaabaa oo aan ka helaa qaddiyadda shacabka Falastiin. Waan jecelahay qaddiyadooda. Waan ixtiraamaa waxaanan u muujinaa in aanla dareen ahayn”.

Sannadkii 2018 markii waddanka Ruushku marti galiyay koobka kubadda cagta adduunka oo ah koobkii ugu dambeeyey waxa ay magaalada Moscow ku kulmeen Madaxweynaha dawladda Falastiin Maxamuud Cabbaas Abu Maazim waxaanu ku yidhi: “Anigu waxaan ahay Falastiini. Qalbigaygu waa Falastiini”. Waxa ay is galiyeen laabta aadbaanay isgu dhaganaayeen iyada oo Maxamuud Cabbaas loo macnayay ereyada uu Maradona ku hadlayay ee luuqadda Spanishka ah.

Madaxda kale ee ay Maradona xidhiidhka lahaayeen wax aka mid ah madaxweynihii hore ee waddanka Bolivia Evo Morales oo xukunka Bolivia hayay 2006 illaa 2019. Madaxweynihii Koonfur Afrika Nelson Mandela. Madaxweynihii waddanka Kuuba ee 2018 xilka ka tagay Raul Castro oo ay walaalo ahaayeen Fidel Castro iyo rag kale oo badan.

Diego Armando Maradona waxa uu sannadki 2000 booqday Xarunta Faatikaanka ee looga arrimiyo diinta Kiristaanka eek u taalla Badhtamaha Magaalada Roma, caasimadda waddanka Talyaaniga. Markii uu booqashadaasi ka soo laabtay oo uu saxaafadda la hadlay waxa uu sheegay arrin dadka oo dhan ka yaabiyay isaga oo yidhi: “Markii aan booqday Kaniisadda weyn ee Faatikaanka waxaan dareemay yaqyaqsi iyo in aan ka xumaaday xaaladda aan meesha ku arkay. Waxaan arkay saqafka Kaniisadda oo ka samaysan dabah. Wakhtigaasi waxa uu Baba igu yidhi waxaanu muhiimadda siinaynaa ubadka saboolka ah ee adduunka ku nool. Markaasaan ku idhi wadaadyohow waxaad horta iibisaa dahabkan ay kaniisaddu ka samaysan tahay ee aad tiirarka saqafka sare ka dhigateen dahab markaasaad ubad u werweri doontaaye”. Waxa uu hadalladan siiyay mar uu waraysi gaar ah siinayay Wargeyska Caanka ah ee EL Pais oo ka soo baxa waddanka Spain.

Marka laga tago cabqariyaddiisii dhinaca xirfadda kubadda cagta iyo wacdarihii uu ka dhigi jiray garoomada waxa intaa u dheeraa oo lagu xasuustaa halgankiisii dhinaca Caddaaladda iyo sinnaanta ee shucuubta adduunka isaga oo mar walba ka soo hor jeeday duullaamadii Maraykanka iyo xulufadiisu ku qaadeen waddamo badan oo adduunka ah sida Ciraaq, Afgaanistaan iyo waddamo kale oo badan. Waxa uu mar walba u taagnaa caddaalad iyo xornimo u dirir taasi oo keentay in dalal dhawr ah gaar ahaan reer Galbeedku aanay jeclayn.

Waxa uu ahaa nin u janjeedha dhinica siyaasadda Garabka Bidix waxaanu aad ugu dhawaa dadka saboolka ah ee adduunka gaar ahaan kuwa waddamada Laatiin Ameerika oo uu marar badan u ololayn jiray in la iska kaashado sidii dadka saboolka ah wax loogu qaban lahaa. Mabda’ ahaan waxa uu ahaa nin la dhacsan siyaasadda Hantiwadaagga taasi ayaa keentay in uu saaxiibbo la noqdo siyaasiyiin iyo madaxweynayaal waaweyn oo Hantiwadaag ah. Lix bilood ka hor geeridiisa muuqaalladii ugu dambeeyey ee laga soo duubo waxa la arkayay isaga oo ilmada hoorsanaya oo ilmaynaya mar uu ka hadlayay saboolnimadii uu ku soo koray. “Taageero u fidiya dadka saboolka ah oo cunto siiya kuwa aan haysan wax ay afka galiyaan. Taasi ma aha wax aan iska leeyahay oo aan iska odhanayo balse anigu waxaan garanayaa waxa ay tahay gaajadu iyo nolol xumadu. Waan soo arkay gaajo waanan dareemayaa dhibka ay leedahay”. Sidaa waxa uu Maradona ku yidhi muuqaal Lix bilood ka hor ay ka duubaysay hay’ad samafal isaga oo ilmaynaya oo oohinta xejisan kari la’ ayuu ereyadan ku tiraabayay.

Maradona waxa uu Oktoobar 1960-kii ku dhashay magaalada Lanus ee dalka Argentine waxaanu geeriyooday 25-kii Bishan November isaga oo ku dhintay magaalada Tigre. Waxa uu guursaday hal mar haweenay lagu magacaabo Claudia Villafane oo ay wada joogeen 1984-kii illaa 2003. Waxaanay u dhashay Diego Sinagra, Giannina Maradona, Dalma Maradona, Diego Fernando Maradona iyo Jana Maradona.

XG: LAACIB