Manchester United ayaa lagu soo warramayaa iney wakiilo soo daawada u dirtay ciyaartii xiisaha laheyd ee isbuucaan dhexmartay kooxaha Porto iyo Benfica, balse waxey soo arkeen wax aan u fiicneyn.
Carlos Vinicius ayaa laba gool u dhaliyay kooxda martida aheyd, balse Porto ayaa qaadatay saddex dhibcood, waxeyna 4-dhibcood ka sarreysaa Benfica iyadoo ku fadhisa hogaanka horyaalka.
Red Devils ayaa dhawaan horyaalka Portugal kasoo qaadatay Bruno fernandes, sidoo kalana waxey horay uga soo qaadatay Cristiano Ronaldo iyo Nani, balse markaan xiddig kale ayey doonayaan.
Wargeyska O Jogo ee laga leeyahay Portugal ayaa shaaca ka qaaday in kooxda 20-ka jeer heysta horyaalka Ingiriiska ay ku fakareyso iney soo qaadato daafaca mayalka adag ee Rúben Dias.
Advertisements
Dhawr jeer ayaa kooxdaan lala xiriiriyay xiddigaan heerka caalami, balse wakiiladii loo diray iney soo daawadaan waxey soo arkeen isagoo gool ka dhalinaya shabaqa kooxdiisa, waana goolka saddexaad ee kooxdiisa guusha looga qaatay.
Si kastaba Ole Gunnar Solskjaer wuxuu ku haminayaa inuu kooxda dhiso marka la gaaro xagaaga soo aadan hadii ay usoo harto fursad uu kooxda kusii maamulo, sidoo kalana 17-ka February waxey u safri doonaan Stamford Bridge.