Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Qaraxa waxaa uu ka dhacay afaafka hore ee garoonka Cabdullaahi Ciise, halkaasoo ay ku sugnaayeen dadweyne badan oo soo dhaweyn lahaa Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo booqan lahaa Magaalada.

Generaal Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje, taliyihii qeybta 21aad ee milatariga Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay in uu u dhintay qarax galabta ka dhacay Gaalkacyo.

Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in ay qaraxa ku dhinteen Mukhtaar Cabdi Aadan  iyo Gudoomiyihii Yaasiin Tumay Duqii hore ee Gaalkacyo, taliye ku xigeenka Ciidanka Danab Marshal Mire iyo Generaal Baraf baraf oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka xoogga.