Haweeney 68-sano jir ah oo dhalatay dalka Nageria ayaa isbitaal kuyaala magaalada Lagos waxa ay ku dhashay labo cunug oo matanaaha sida ay baahiyeen Warbaahinta dalka Nageria.
Madaxa isbitaalka ay hooyadan ku dhashay mataanaha, Prof Wasiu Adeyemo, ayaa Warbaahinta u sheegay in loo keenay hooyadan da’da ah oo xaamilo ah, waxa uuna xusay in isbitaalka dadaal badan ku bixiyay in hooyadaasi si nabad galyo ah u kala timaado.
Hooyadan 68-sano jirka ah ee dhashay caruurta Mataanaha ayaa la sheegay in xaalkeeda uu wanaagsan yahay sidoo kale aad u fiican yihiin caruurta ay dhashay, waxaana caawinaad dheeraad ah u fidinaya dhaqaatiirta Isbitaalka.
Baraha bulshada gaar ahaan Facebook iyo Twitter ayey aad ugu hadal hayaan dadka Nageria hooyadan waayeesha ah ee dhashay caruurta matanaaha, waxana aad u yaraa in ilmo dhalaan haween da’dan oo kala ah.

Dhexnimo Media/ Hargeysa
Info@dhexnimomedia.com