Halyeygii hore ee Liverpool Steven Gerrard waxa uu wali hurdada ka ladi la’yahay guul-darradii Reds kasoo gaadhay horyaalka Premier League sannadkii 2014kii.

Steven Gerrard  oo hadda ah tababaraha kooxda Rangers, isla markaana 16 dhibcood ay kooxdiisu ka horreyso Celtic oo kaalinta labaad ku jirta, ayaa waxa uu horumar ka samaynayaa xirfadda tababarenimo, iyadoo uu u muuqdo inuu ka joojinayo Celtic in markii 10aad oo xidhiidh ah ay horyaalka Scotland ku guuleysato.

Gerrard oo u warramayay wargeyska Athletic oo uu ka shaqeeyo Alan Shearer ayaa waxa wax laga weydiiyo siibashadiisii xili ciyaareedkii 2013-14 ee sababtay in horyaalka ay Manchester City kaga guuleysato.

Advertisements

Kubbad loo dhiibay ayaa ka baxsatay Steven Gerrard waxaana ka hor qaatay Demba Ba oo soo dhaliyey, iyadoo haddii ay ciyaartaasi badin lahaayeen ay horyaalka qaadan lahaayeen.

Alan Shearer ayaa Gerrard weydiiyey maalintii uu siibtay iyo haddii uu illaa waqtigan dareemo, waxaanu ku jawaabay: “Dhacdadaas iyo sida ay u dhacday waxagt dgav agaabtuu agatd dhamaadka waayahaygii Liverpool, dhaawac ayaanay igu ahayd. Koox ahaan, niyad-jab weyn ayay nagu ahayd sababtoo ah koobka ayaanu qarka u saarnayn.

“Xaqiiqada ah inay markaas kaddib ku guuleysteen horyaalka, haddana yihiin kooxda koobka difaacanaysa ayaa aniga farxad ii ah, waxaanay iga caawinaysaa inaan ka daawoobo dhaawacaas.”

Gerrard waxa kale oo uu sheegay inuu xidhiidh joogto ah la leeyahay tababare Jurgen Klopp oo uu ku tilmaamay mid daacad ah oo mar walba ka caawiya wixii uu uga baahdo.

“Jurgen Klopp waxaanu ku dhamaysanaa telefoon. Haddii aan waco oo aan ku idhaahdo, ‘maxay kala tahay arrintan ama arrintaasi’, waxaan ogahay inaan ka helayo fikirkiisa daacadda ah.

“Sababtu maaha inaan ahay Steven Gerrard, laakiin sababtu waxay tahay inuu i caawinayo.”