Garabka weerar ahna hoggaamiyaha weerarka Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ka hadlay talaabo uu dhawaan qaaday tababaraha kooxdiisa ee Jurgen Klopp oo uu niyad jab ka dareemay.

Salah ayaa si toos ah u caddaystay inuu ka niyad jabay inaan isaga laga dhigin kabtanka kooxda kulankii Champions League ee ay bar-bardhaca 1-1 ka ah lasoo galeen kooxda ree Denmark ee Midtjyland.

Image

Klopp ayaa kulankaas ka tagay kabtankiisa asaasiga ah ee Jordan Henderson taas oo ka dhignayd in Salah uu kamid yahay tiro ciyaaryahano ah oo waaweyn oo shaxda ugu soo bilawday Liverpool ciyaartaas.

Advertisements

Laakiin tababaraha ree Germany ayaa go’aansaday inuu kulankaas kabtan ka dhigo Trent Alexander Arnold oo kasoo baxay akaademiga kooxda sanado kahor.

Mohamed ayaa kulankaas goolka furitaanka ka dhaliyay hoggaankana u dhiibay Liverpool balse qirtay inuu filanayay in isaga kabtan laga dhigi doono ciyaartaas.

Salah oo wargeyska ree Spain ee AS u warramayay ayaa yidhi “Daacad ahaantii waxaan ahaa mid aad u niyad jabsan, waxaan rajaynayay inaan noqon doono kabtanka, laakiin waa go’aanka tababaraha, waan aqbalay”

Salah ayaa ahaa mid muhiim usoo ahaa Liverpool tan iyo sanadkii 2017 markii uu kusoo biiray isaga oo 108 gool ugu soo dhaliyay 172 kulan.

Goolasha Salah ayaa ka caawiyay Liverpool guulaha Premier League, Champions League iyo koobab kale oo badanba.