Ururka Al Qaacida ayaa yeeshay hoggaamiye cusub kadib markii lagu bedelay hoggaamiyihii hore Ayman Zawahiri oo la sheegay inuu ku geeriyooday dalka Afghanistan.

Hoggaamiyahan cusub ayaa lagu magacaabaa Saif al-Adel waxana uu ka soo jeeda dalka Masar,waxana uu ku dhaartay hoggaamiyahan cusub inuu kooxda mid ka halis badan xilligii uu madaxda ka ahaa Osama Bin Laden.

Hoggaamiyihii hore ayaa warar soo baxayay ay sheegeen inuu u dhintay cudurka neefta dabayaaqadii sanadkii hore.

Saif wuxuu si aad ah ugu lug lahaa howlaha Al Qaacida ilaa 30 sano, wuxuuna horeyba Maraykanka madaxiisa u dul dhigay 7.5 milyan oo Yuro, ka dib qaraxyadii safaaradaha Mareykanka ee Nairobi iyo Dar es Salaam 1998, oo ay ku dhinteen 224 ruux.

Abdullah Ahmad Abdullah, oo sidoo kale loo yaqaanay Abu Muhammad al-Masri, waxaa lagu toogtay oo lagu dilay magaalada Tehran koox ka tirsan Israaiil oo watay mooto.

Howlgalkan ayaa la sheegay inuu dhacay 7-dii Ogosto oo ku beegneyd sanad-guuradii ka soo wareegatay qaraxyadii safaaradda Mareykanka ee 1998-dii.

Dilkii Bin Laden ee hawlgalkii Mareykanku ka fuliyay Pakistan sanadkii 2011 wuxuu kooxda u gacan geliyay Zawahiri, ruug cadaa reer Masar ah oo jihaad iyo fikir muhiim ah Alqaacida.

Dowladda Mareykanka ayaa kal hore sheegtay in wiilkii Bin Laden Hamza isna dhintay, iyadoo meesha ka saartay nin loo arkay inuu dhaxal u yeelan karo hoggaanka Al Qaacida.
Kooxdu waxay ka hirgalisay dhowr shabakadood oo adduunka oo dhan ah oo magaceeda xambaarsan, oo ay ku jiraan gobolka Sahel ee Afrika, Pakistan iyo sidoo kale Soomaaliya, Masar iyo Yemen.