UEFA Oo Shaacisay Xogta Isku Aadka UEFA Champions League Iyo Xogta Aad U Baahan Tahay In Aad Ka Ogaato.

Jadwalkii uu ku socon jiray tartanka xiisaha badan ee Champions League ayay wax iska badaleen kadib markii uu waqti badan qaatay dhamaystirka xili ciyaareedkii la soo dhaafay ee 2019/2020 waxaana haddaba bilawday diyaar garowga xili ciyaareedka cusub.
Finalka Champions League waxaa la ciyaaray August 23,2020 laakiin waxay haddaba UEFA diyaarinaysaa isku aadka xili ciyaareedka cusub ee Champions League oo ay sii bixiyeen xogta iyo qaabka ay wax u wadi doonaan.
Isreeb reebka Champions League ayaa bilaami jiray June 23, laakiin waxaa waqtigaas socday kulamadii xili ciyaareedkii hore lagu dhamaystiray waxayna taasi keentay in is reeb reebka Champions League la bilaabay August 8 waxayna sii socon doonaan waqtiyada soo socda.
Advertisements
Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa wax walba oo aad uga baahan tihiin isku aadka UEFA Champions League iyo xaaladaha ku xeeran si la mid ah isku aadka heerka groupyada ee tartankan halkan ayaanad kaga bogan kartaa.
Miyaa kulamadii martida iyo minanka meesha laga saarayaa? Miyay taageerayaashu ka soo xaadiri doonaan?
Dhamaan kulamada isreeb reebka ee wareeegyada kowaad, labaad iyo saddexaad ayaa laga dhigay kulamo hal lug ah oo aan marti iyo minan lahayn laakiin marka la soo gaadho kulmada Play-offka waxaa bilaami doona kulamadii martida iyo minanka ee Champions League looga bartay iyada oo heerka groupyada ilaa afar dhamaadka ay noqon doonaan kulamo laba lugoodle ah.
Goormaa La Samaynayaa Isku Aadyada UEFA Champions League
Haddaba waxaa la soo sameeyay isku aadyadii isreeb reebyada wareegyada kowaad, labaad, saddexaad iyo play-offka laakiin waxaa isku aadka heerka groupyada Champions League la samayn doonaa October 1, 2020 oo ah maalin khamiis ah.
Isku aadka wareega 16ka kooxood ee Champions League waxaa la samayn doonaa December 14,2020 halka isku aadka siddeed dhamaadka iyo afar dhamaakda Champions League hal mar la wada samayn doono March 19,2021.
Dhamaan isku aadyada UEFA Champions League waxaa lagu samaynayaa magaalada Nyon ee xarunta UEFA oo ku taal dalka Switzerland.
Goormaa La Ciyaari Doonaa Kulamada Heerka Groupyada Champions League iyo ilaa wareegyada 16ka, siddeed dhamaadka iyo Afar dhamaadka?
Taariikhda La Ciyaari Doono Kulamada Heerka Group stage Champions League
20/10/2020–21/10/2020 Kulamada 1 aad
27/10/2020–28/10/2020 Kulamada 2 aad
03/11/2020–04/11/2020 Kulamada 3 aad
24/11/2020–25/11/2020 Kulamada 4 aad
01/12/2020–02/12/2020 Kulamada 5 aad
08/12/2020–09/12/2020 Kulamada 6 aad
Taariikhda La Ciyaari Doono Kulamada Wareegyada 16ka, Siddeed dhamaadka, afar dhamaakda ilaa finalka Champions League:
16/02/2021–17/03/2021 Wareega16ka UCL
06/04/2021–14/04/2021 Wareega Siddeed Dhamaadka UCL
27/04/2021–05/05/2021 Wareega Afar Dhamaadka UCL
29/05/2021 Finalka Champions League,
Halkee Lagu Qabanayaa Finalka Champions League Ee Xili Ciyaareedka Cusub?
Finalka Champions League ee xili ciyaareedka cusub waxaa lagu qaban doonaa magaalada Istanbul ee dalka Turkey oo ay ahayd in finalkii xili ciyaareedka soo dhamaaday lagu qabto balse markii uu caabuqa karoona dilaacay laga soo badalay.
Garoonka Atatürk Olympic Stadium oo ku yaal magaalada Istanbul ayaa xili ciyaareedka cusub ee 2020/2021 marti galin doona finalka Champions League waxaana loogu magdhabay in xili ciyaareedkii soo dhamaaday markii ay xaaladu xumaatay laga badalay.
Garoonka Atatürk Olympic Stadium waxa uu qaadaa 70,000 kun oo qof waana garoonka uu ku ciyaaro xulka qaranka Turkey waxaana sidoo kale uu garoon ku meel gaadh ah u soo noqday kooxaha Galatasaray, İstanbul Başakşehir iyo Beşiktaş.
Dhacdooyinkii ugu caansanaa ee uu marti galiiyay garoonka Atatürk Olympic Stadium waxaa ka mid ah finalkii UEFA Champions Leauge ee sanadkii 2005 kii ay Liverpool taariikhda layaabka leh ku dhigtay AC Milan waxa kale oo uu soo marti galiyay dhacdooyin muhiim ah.