TOP 20: Xiddigaha 20-ka Ah Ee Ugu Qiimaha Badan Premier League, AFAR Booska 1-aad Wada Galay & Ragga Culus Ee Kaalmaha Hoose U Dhacay

Jamaahiirta kubadda cagta gaar ahaan kuwa horyaalka Premier League ayaa rajaynaya inay jiri doonaan saxeexsyo waaweyn suuqa bishan January, jawiga maanta, kooxaha horyaalkaas ayaa dhaqaale ahaan hoos u dhacay.
Intaas waxa dheer inay adagtahay in suuqa January la sameeyo saxeexyo waaweyn oo ciyaaryahan muhiim ah kooxdiisa laga soo qaato xilli ciyaareedka oo badhtanka maraya.
Waxa midaas lid ku ah saxeexyo dhawr ah oo kamida kuwa ugu fiican taariikhda oo gudaha bishan hirgalay waxaana tusaalaha ugu dhaw u ah Bruno Fernandes oo Manchester United dhinaca Sporting Lisbon kaga soo biiray sanad kahor.
Advertisements
Iyadoo lagu jiro wakhti suuq, waa xilli ku haboon oo lasoo bandhigo liiska xiddigaha ugu qaalisan heerka ugu sarreeya kubadda cagta England (Premier League) waxaana midaas banaanka keenay bogga caanka ah ee Transfermarkt.
Transfermarkt oo ka faalooda arrimaha suuqa ayaa shaaciyay 20-ka xiddig ee ugu qiimaha badan Premier League wakhtigan iyadoo ay afar xiddig booska 1-aad si wada jir ah u wadaageen.
Waxa kamida xiddigaha waaweyn ee qiime ahaan aan boos hore ku jirin kubad sameeyaha Manchester United ee Paul Pogba, si lamid ah gool dhaliyaha dhawaan-galka ku ah Chelsea ee Timo Werner.
Liiska Oo Dhammaystiran, Kaalmaha La Wada Galay & Booska Xiddig Kasta
=19. Richarlison (£54m) | Everton
=19. Phil Foden (£54m) | Manchester City
18. Rodri (£57.6m) | Manchester City
17. Paul Pogba (£58.5m) | Manchester United
16. Timo Werner (£63m) | Chelsea
15. Bernardo Silva (£63m) | Manchester City
14. Roberto Firmino (£64.8m) | Liverpool
13. Andy Robertson (£67.5m) | Liverpool
=10. Alisson Becker (£72m) | Liverpool
=10. Virgil van Dijk (£72m) | Liverpool
=10. Marcus Rashford (£72m) | Manchester United
9. Kai Havertz (£72.9m) | Chelsea
=7. Heung-min Son (£81m) | Tottenham Hotspur
=7. Bruno Fernandes (£81m) | Manchester United
=5. Raheem Sterling (£99m) | Manchester City
=5. Trent Alexander-Arnold (£99m) | Liverpool
=1. Kevin de Bruyne (£108m) | Manchester City
=1. Harry Kane (£108m) | Tottenham Hotspur
=1. Mohamed Salah (£108m) | Liverpool
=1. Sadio Mane (£108m) | Liverpool