Telefishanka beIN Sports Oo Shaaciyey Wariyeyaasha Tabinaya Kulamada Usbuuc Dhamaadka Ee Horyaallada Yurub – Yaa Qabanaya Ciyaarta Kooxdaadu Dheelayso

Telefishanka beIN Sports ayaa shaaciyey wariyeyaasha tabin doona kulamada horyaallada Yurub ee usbuuc-dhamaadkan, iyadoo ay horyaallada Premier League iyo LaLiga la ciyaarayo maalmaha Isniinta, Salaasada iyo Arbacada.
Horyaalka Ingiriiska ee Premier League oo Sabtidii iyo Axaddii la ciyaaray ayaanay kooxuhu helin nasasho, waxaanay mar kale ciyaarayaan Isniinta maanta, Salaasada iyo Arbacada, iyagoo haddana mar kale dheeli doona Jimcaha, Sabtida iyo Axadda foodda inagu soo haysa.
Horyaalka Spain ee LaLiga oo fasax ku jiray maalmihii ciidda masiixiga ee Sabtidii iyo Axaddii ayaa isagana la ciyaarayaa Salaasada iyo Arbacada, iyagoo sannadka cusub bilowgiisana foodda ay is dari doonaan kooxuhu.
Advertisements
Chelsea oo laga soo badiyey ciyaartii Arsenal ayaa garoonkeeda kusoo dhoweynaysa Aston Villa oo xaalad wanaagsan ku jirta, waxaanu telefishanka beIN Sports oo kulamadan baahinaya uu ciyaartan u doortay inuu tacliiqiyo wariye Cali Maxamed Cali oo waqti hore bilaabaya inuu diyaarsado macluumaadka labada kooxood ee illaa heer taariikheed.
Everton iyo Manchester City ayaa iyaguna caawa foodda isku-daraya garoonka Goodison Park, waxaana ciyaartan uu telefishanku u xil-saaray inuu qabto wariyaha caanka ah ee Cusaam Shuwaali oo sidoo kalena kulamada xiga ee Salaasada na shaqada ku qoran.
Barcelona oo uu ka maqan yahay xiddigeeda ahna kabtankeeda Lionel Messi oo uu ka maqan yahay waddanka Argentina oo aan kusoo laabanayn ciyaartan ayaa waxay la ciyaaraysaa Eibar, waxaana telefishanka beIN Sports uu u doortay tabinta ciyaartan Cusaam Shuwaali.
Manchester United oo barbarrihii ay la gashay Leicester City toddobaadkan aan wali kasoo kabanin ayaa waxay Salaasada berri soo dhoweynaysaa Wolves, ciyaartanna waxa tabinaya Axmed Baluushi, halka Arsenal iyo Brighton oo dhibco ahaan isku xiga, kuna kala jira 15aad iyo 16aad ay foodda is-darayaan, waxaana ciyaartan qabanaya Suwaar Dahab.
Halkan kaga bogo wariyeyaasha tabinaya kulamada Isniinta iyo Salaasada, iyadoo Arbacadana aanu dib idiinka soo gudbin doono:
Isniin
Chelsea vs Aston Villa – Maxamed Barakaat
Everton vs Manchester City – Cusaam Shuwaali
Salaasa
Sevilla vs Villarreal – Maxamed Barakaat
Brighton vs Arsenal – Suwaar Dahabi
Barcelona vs Eibar – Cusaam Shuwaali
Manchester United vs Wolves – Axmed Baluushi

XG:  Laacib