Muqdisho-Dhexnimo Media-Dawlda Talyaaniga ayaa ku dhawaqay in laga bilaabo 3 bisha June dalka Talyaaniga loo ogalaan doono in la soo galo iyo in laga baxo sidoo kale waxaa la ogolaan doonaa in goballada dalkaasi la isaga kala goosho.

Goobaha jimcisiga dabaasha iyo xaruumaha ciyaaraha ayaa dib loo furi doonaa 25 bishaan May,halka 15-ka June-na dib loo furi doono iyagana xaruumaha filimaanta lagu daawado ee loo yaqaano Shineemooyinka iyo tiyaatarka .

Musaafiriinta ka yimaada wadamada Midowga Yurup ayaa loo ogalaan doonaa in ay Talyaaniga galaan iyagoon lagu sameyn doonin todobaadyo karaatiil ah.

Tallaabooyinkan lagu dhawaaqay ayaa qayb ka ah dadaallada dib loogu soo celinayo dhaqaalihii kadib muddo laba bilood ka badan oo xayiraad saarneed dalkaas.

Mas’uuliyiinta Talyaaniga ayaa sheegay in dad gaaraya 31,763 oo qof ay u dhinteen faraska Karona iyadoo Talyanaigu uu noqonayo dalka sedaxaad ee ugu dhimahasda badan marka laga soo tago wadamada Mareykanka iyo Ingiriiska.