Xidiga kooxda Liverpool iyo xulka Japan ee Takumi Minamino ayaa shaaciyay sababta dhabta ah ee uu macalinkiisa Jurgen Klopp u go’aansaday in uu isag fadhiisiyo meel u dhexaysa Sadio Mane iyo Naby Keita.
Liverpool ayaa suuqii bishii January waxay 7.25 milyan gini ku heshay xidiga saamaynta badan ee Takumi Minamino kaas oo hore Liverpool ugu soo ciqaabay kulamadii Champions league ee Red Bull Salzburg laakiin Klopp ayaa sabab gaar ah u doortay in Minamino uu dhex fadhiisto Sadio Mane iyo Naby Keita.
Minamino waxa uu wali ku jiraa barashada luuqada Ingiriisida laakiin waxa uu Jurgen Klopp si fiican ugula hadlaa luuqada Jarmalka laakiin waxa uu Klopp doonayaa in Sadio Mane iyo Naby Keita ay Minamino ka caawiyaan sidii uu luuqada English-ka u baran lahaa.
Mane iyo Keita waxay ku hadlaan luuqadaha Ingiriisida iyo Jarmalka maadaama oo ay u soo wada ciyaareen kooxda uu Minamino ka soo wareegay ee Red Bull Salzburg, waxayna xidiga reer Japan ka caawinayaan in uu si fiican u sal dhigto Liverpool.
Wuxuuna Klopp xidiga kooxdiisa ee Takumi Minamino u dooray in uu kala dhex fadhiisto Sadio Mane iyo Naby Keita si ay uga caawiyaan barashada luuqada English-ka maadaama oo ay la fahmayaan luuqada Jarmalka ee uu si fiican u yaqaan.
Haddaba Takumi Minamino oo waraysi bixiyay ayaa arintan ka sheekeeyay wuxuuna yidhi: “Waxaad ogtahay in aad qayb ka tahay kooxda, laakiin sababtoo ah luuqadayda Ingiriisudu in ku filan wali uma fiicna, iyaga caawintoodu xaqiqidii muhiim ayay ii ahayd”.
Minamino oo ka hadlaya waxyaabihii ugu horeeyay ee ay Mane iyo Keita kaga caawiyeen garashada luuqda Jarmalka ah ee uu ku hadlo ayaa yidhi: “Iyagu wali mararka qaar ayay i caawinayaan, intii lagu jiray maalmihii ugu horeeyay waxay iyagu i bareen sharciga kooxda iyo waxyaabo sidaas ah, waqtiyada uu shirka kooxdu bilaamo iyo sida ay maalin kastaba kooxdu u shaqayso”.
Advertisements
“Waqti xaadirkan waxaan in badan la hadlaa ciyaartoyda ku hadli kara luuqada Jarmalka” ayuu Minamino ku sii xaqiijiyay caawinta luuqadeed ee uu Mane iyo Keita kaga helay Liverpool.
Jurgen Klopp ayaa Takumi Minamino u dooray in uu ka agdhawaado Sadio Mane iyo Naby Keita kuwaas oo ka caawinaya in caawinta uu kaga helayo fahanka luuqada Jarmalka in uu ku barto luuqada English-ka ee ay ciyaartoyda oo dhami isku fahmaan.