Dowladda Sacuudiga ayaa mamnuucday soo dejinta badeecadaha lagu sameeyo dalka Turkiga sidaana waxaa Isniintii daabacay wargeyska Financial Times oo soo xiganaya shaqaale ka tirsan shirkadda dharka Isbaanishka ee Mango.

Xidhiidhka siyaasadeed ee udhaxeeya Sacuudi Carabiya iyo Turkiga waxaa badalay taageerada Turkiga ee gobolka iyo xifaaltanka Qatar iyo dilkii wariyihii mucaaradka ahaa ee Jamal Khashoggi oo ay ku dileen wakiilo ka socda dowladaha Khaliijka magaalada Istanbul sanadkii 2018 Garsoorka Turkiga ayaa dhawaan bilaabay dacwad ka dhan ah tuhmanayaasha dilka

Sacuudiga iyo Turkiga ayaa sidoo kale taageeray dhinacyada iska soo horjeeda ee dagaalka Liibiya.

Cabdiraxmaan Rashiid Dalmar

Dhexnimo Media/Hargeysa

Email: cabdiraxmaan800@gmail.com