Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay xidhiidhkii diblumaasiyadeed u jartay dowladda Kenya oo ay ku eedeesay in faragalin qaawam ku heyso arimaha gudaha Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa shaaca ka qaaday in Dowlada Soomaaliya xiriirka u jartay dowlada Kenya , waxa uuna sheegay Wasiirka in Kenya faragalin ku heyso arimaha Soomaaliya kuna xadgudbeyso madax banaanideeda.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku amartay dublomaasiyiinta Kenya ee jooga gudaha Soomaaliya in mudo 7-maalin gudahood ay dalka uga baxaan , waxa ayna dowlada sidoo kale fartay diblumaasiyeenta Soomaaliyeed ee jooga Kenya in ay dalka kusoo laabtaan.
Warkan kasoo baxay dowlada Soomaaliya ayaa uga sii daraya khilaafka u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya , mana jiro ilaa hada wax war ah oo Xukuumada Kenya kasoo saartay go’aankan kasoo baxay Dowlada Soomaaliya.