Soomaaliya iyo Jabuuti oo diiday qaraar ka dhan ahaa Itoobiya oo lagu taageerayay Masar

Soomaaliya iyo Jabuuti oo diiday qaraar ka dhan ahaa Itoobiya oo lagu taageerayay Masar
Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo xiligan xidhiidh dhaw la leh dowlada Itoobiya ayaa diiday in ay ansxiyaan qaraar lagu taageerayay Dowlada Masar oo kasoo baxay Ururka Jaamacadda Carabta ee fadhigiisu yahay Qaahira.
Jaamacada Carabta Qaraarka kasoo baxay ayaa ku baaqay in dowlada Ethiopia ay dib u dhigto buuxinta biyo-xireenka muranka badan dhaliyay ee ka sameysay Webiga Nile, inta ay kala heshiineyso dowladaha Masar iyo Sudan oo kasoo horjeeda biyo xireenkan.
Qaraarkan waxaa Jaamacada Carabta u gudbisay dowlada Masar, waxaana ansxiyay dhamaan Wasiirada arimaha dibadad wadamada xubnaha ka ah ururka Jaamacada Carabta marka laga reebo Wasiirada Soomaaliya iyo Jabuuti.
Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise ma sheegin sababta ay Soomaaliya u diiday in ay taageerto qaraarkan, waxa uuna Wasiirka horey u sheegay in dowlada mowqif dhax dhaxaadnimo ah ka qaadatay muranka u dhaxeeya Masar iyo Itoobiya
Wasiir Cawad oo qaab muuqaal online ah hadal uga jeediyay kulanka Jaamacada Carabta, ayaa ugu baaqay dowladaha Masar, Itoobiya iyo Sudan inay qaab wada-hadal ah oo faa’iido u wada ah, ku dhammeeyaan khilaafka u dhaxeeya.
Dowladaha Masar, Itoobiya iyo Sudan ayaa ku guul dareestay in ay heshiisa ka gaaraan xiisada ka dhalatay biyo xidheenka itoobiya ku sameeneyso Wabiga Niil, waxaana lagu kala kacay shirar dhoor ah oo sadaxda wadan isugu yimaadeen.
Dowlada Itoobiya ayaa shaacisay in bisha July billaabeyso buuxinta biyo-xireenka oo ka dhistay meel ku dhow xuduudda ay la wadaagto dalka Sudan, xitaa hadii aan heshiis laga gaarin khilaafka jira.
Masar, oo webiga Nile u yahay isha ugu weyn ee ay biyaha ka helaan 100-ka milyan ee qof ee dalkaas ku nool, ayaa diidan in biyo-xireenka la buuxiyo ayada oo aan heshiis laga gaarin.