• Ul jiiftaa ma jabto.
  • Umili ilawshiinyo dhaw.
  • Usha intay qoyan tahay ayaa la toosiyaa.
  • Ushaada nin aad ka qaadi kartaa loo dhiibtaa.
  • Uur mudane iyo uur Berde, midna lama baadho.

 

  • Waa baahan tahay bakhtiga looma cuno.
  • Waari mayside war hakaa haro.
  • Wadaantii geeleeda kaafida, baa mid kalena kaalmeysa.
  • Wadar iyo waaxid yaa waalan ( marba kii qaldan! ).
  • Wadiiqada yari wadiiqada weyn bay kugu ridaa.
  • Wan weyn illaa la gowraco indhihiisu cirka ma arkaan.
  • Waraabe daalay, dirirtiisaa loo tagaa.
  • Waraabe ulna lala gaari waa, orodna wax lagaga dhibi waa.
  • Wax aad baratay waa baaskaa.
  • Wax garad wax looma sheego.
  • Wax la qarshaa ama qurma ama qubte.
  • Wax rag kaa galay rako kaa gal.
  • Waxaan calaf ahayna lama cuno.
  • waxaan ku hureeyn horayaa loo qabtaa
  • Wax aanad filaneyn iyo fallaari waa kaa fuc siiyaan ( fajaciyaan).
  • Wiil intuu ood ka booduu talo ka boodaa.
  • Wixii lagu faqaa faruuruhuu yimaadaa.

 

  • Xargo geel ma wada xiraan.
  • Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan.
  • Xarago dumar xanuun ma leh.
  • Xiiso iyo xoorba way dhacaan.
  • Xog mooge xaajo waa dilaa
  • Xoolo lama cunee dadkoodaa la cunaa.
  • Xoolo quureed waa la qaataa, soor quureedse lama qaato.
  • Xoorkii la dhamay xagaagii da’ay iyo xusuus baa geel lagu xera geeyaa.
  • Xornimo adaa ku noole,iyada kuguma noola.
  • ri wii qufacdaa laakiin ma xaakooto

 

Dhammaaad

Hadii aad wax ka faa iiday ama aad wax su aala qabto emailkaan hoos ku xusun nagala soo xidhiidh

Soo Ururinta: Cabdiraxmaan Rashiid Dalmar

Dhexnimo Media

info@dhexnimomedia.com

Cabdiraxmaan800@gmail.com