Soomaalidu Been Way sheegta Been se Ma Maah Maahdo Qaybta 8aad

  • Qof nool oo ku hor taagan lagama quusto.
  • Qof walba qumanihiisa ayaa qoorta ugu jira.
  • Qof waliba wuxuu dhigtuu dheeftaa.
  • Qosol badani qoonsimaad noqoy.
  • Qosol aan la isla qabin waa qaraaba goys.
  • Qufac iyo uur midna maqarsoomo.
  • Qunyar socde qodaxi mamudo.
  • Quud aan jirin qoryo looma gurto
  • Rag saddex ka oggow: Gacan gudhan, gar weecsan, iyo guddoon jilicsan.
  • Raad arooryo dib looma raaco.
  • Rag la’aan waxba kuma yeeshee Rag xumaa ku disha.
  • Rag waa raggii hore hadalna waa intuu yidhi.
  • Rag waa shaah dumarna waa sheeko.
  • Rag walaalow wuxuu ku dhaamo la waa.
  • Runi rag kama nixiso.
  • run iyo ilkaba waa la cadeeyaa

 

  • Saddex baa la yidhi: Lixdan jir lex jeclo ha la wadaagin; afartan jir ha la garramin; labaatan jirna ha la legdemin.
  • Saddex baa rag u liita; Ma toshe, ma tashade iyo ma tashiishe.
  • Saddex Ilaah waa karaa, mase suurowdo: Ilaahow guursan maayee wiil i sii; Ilaahow shaqaysan maayee xoolo i sii; iyo Ilaahow ku caabudi maayee jannada i gee.
  • Saddex lama raaco: Ma horreeye, ma hambeeye, iyo ma haasawshe.
  • Saddex markaan bartaan ka gaboobay: Dab ollolintiis, carruur aamusinteed, iyo awr carraabintiis.
  • Saddex wer-werkay kugu kordhiyaan: Faraska xun, naagta xun, iyo hoyga xun; haddana saddexdaas baa kaa bi’iye.
  • Samraa, sammo hela, ama Samraa sed helo.
  • Shiikh markiis yimaado, shariifku, shubaakaduu(daaqaduu) ka baxaa.
  • shimbirki duulduul badan madax shabeel ayuu ku dagaa
  • Shir naagood oo shan dhaafay waa shar.
  • Sir naagood lagama sal gaar.o
  • Soomaalidu waxay casarkii kugu aragtay cishihii kugu caydaa
  • talo adigaa ku noole iyada kuguma noola
  • tiisa daryeelaa tu kale ku daro
  • timirtii hore ayaaba dab loo waayey
  • Tolkaa maw talisay, mase tuugtay.
  • Tolkaaga iyo xaaskaaga midna looma xog weynaado.
  • Tuug la qabtay talo ma laha.

 

Soo Ururinta: Cabdiraxmaan Rashiid Dalmar

Dhexnimo Media

info@dhexnimomedia.com

Cabdiraxmaan800@gmail.com