Soomaalidu Been Ma Maah Maahdo Balse Been Way Sheegtaa

• Carab iyo ilkaa cid isugu dhaw iyana weeys qaniinaan’.
• Carab lo’aad caws looma tilmaamo.
• Carruuri kor cabsooday leedahaye, kal cabsooda ma leh.
• Ceeb looma dhinto, caro lalama qarxo, cayna looma dhaawacmo.
• Ceebtaada oo ay kow ogtahay, kun looma sheego.
• Ceesaan ninkii weydiinteeda kugu dhibaa wadisteedaa lagu dhibaa.
• Cid wax kusiisa wax badan baad aragtaa, cid kula talisase wax yar.
• Ciirtaa dhamaa, ceebtaada yaqaan.
• Cimrigaaga dheeraaday, Geel dhalaayaas ku tusaa.
• Dabkii baxayaa dab lagu qabsadaa.
• Dacas kaa wayni dhiiqaday kugu farjiyaan.
• Dagaal wiil kuma dhashee, wiilbaa ku dhinta.
• Dal aqoon la’aan waa la habaabaa, dad aqoon la’aana waa la qadaa.
• Dameeraha Adari ninkii ooda ka rogaa aroorsha.
• Dameeri isku halayn bay hooyadeed dabada uga nuugtaa.
• Dani waa seeto.
• Dantaada derin karkareysana waa loogu seexdaa.
• Dantaada iyo madaxaaga midna lagama boodo.
• Dantaada maqaar eybaa loogu seexdaa.
• Dantii mooge maro duug horteeduu dhamaadaa.
• Dantu ceeba ma lahee dadka uun baysku nacaqya.
• Daanyeer haddiis Geed ka Soo dhici waayo laaziman laan (geed) Aas heestaa
• Deriskii dagaalkaaga rabaa, dooradaada ceshaas ku dhahaa.
• dhar aadan laheeyn dhaxan kaama celiyo
• Dhagar qabe dhulkaa u dhaq-dhaqaaqa.
• Dhagax meel dhow buu ku dhacaa, hadalna meel dheer.
• Dhagax tuujin iyo taabasho waa isugu mid.
• dheel dheel ilmo laguma dhalo ee dharkaa loo dhigtaa
• Dheerow iyo gaabow ayaa jiree, dhuubow ma jaro.
• Dheriga karkaa waxaa ka keena, kulayl waaye.
• Dhidar xabaallo qoda, qudhun buu uga dhacaa.
• Doc ka yeedh iyo dameerkaba daankaa la jebiyaa.
• Doofaarka ficil la’aan baa loo cadaabaa.
• Digaagad hadey hal waddo iyo hadey toban waddo Kurug ,Kurug ma Dhaafeeyso.
• Doqoni cad ciid loogu riday cay bay mooddaa.
• Doqoni xin mooyiye, xisaab ma oga.
• Doqontu xeerna ma hooyso, xoolana ma hooyso.
• Duqon hadii korkiisa qoyo dadka dhan inoo qoyay mood
• Duqsi caanuhuu ku dabaal bartaa, fuud kuuse ku gubtaa.
• Duqsi dantiisuu qudhunka ugu jiraa.
• duke nasiiboo ganuun cano ku helo waa leeyahay nasiib uu ku cabo maleh
• Dukulush(dabagaale) timir gaari waayey , qaraar waaye uu dhahaa.

S/U: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar)

Dhexnimo Media