Hordhac

Ugu horreyn , bug yarahan aan halkan ku soo koobayo waxa qoray qoraaga magaciisu kor ku xusan yahay oo ah qoraa reer Maraykan , isla markaana degan Seattle . Washington .Si kastaba ha ahaatee ,  qoraagu wuxuu bartay Clmi-nafsiga  . Sidoo kale , wuxuu qoray buuggaag caan ah oo ah kuwa loogu iibsiga badan yahay adduuunka sida buuuggiisa lagu magacaabo “ Wax U baro Sidii  Einstein “ iyo “Cilmiga Go’aan Qaadashada Garaadka Ku Dhisan”.

Intaa waxa dheer , haddii aan u dhaadhaco xogta dhabta ah ee buuggu xambaarsan yahay, buuuggani wuxuu ka kooban yahay 98 bog , hase ahaatee wuxuu u habaysan yahay si cutub cutub  ah, waana sideed  (8) cutub oo kala ah sidan:-

Cutubka 1aad: Jooji ka fekerka oo fuli

Qoraagu wuxuu cutubkan ku soo bandhigay aragtiyo in la dhabeeyaa ay fududdahay oo aan ahayn kuwo khiyaal ku dhisan . Waxaana qodobada ugu muhiimsan ee uu cutubkan ku xusay ka mid ah “in aad sii wadis samaysaa waa shayga kuu sahlaya in aad abuurato nolosha aad adigu doonayso , halkii aad kaga qanci lahayd mid aan ahayn tii dhabta ahayd ee aad doonaysay ” .

Sidoo kale, wuxuu  qoraagu xusayaa in aad sii wadis samaysaa in ay kaaga baahan tahay afar shay oo kala ah: in aad shay  diiradda ku hasyo oo aad garanayso waxa aad doonayso , in aad naftaada ku tarbiyaddayso sidii ay shayga aad diiradda ku hayso u fulin lahayd, in aad ku dhaqaaqdo shaygii oo aad fuliso iyo ugu dambayn in aad u adkaysato sidii shaygii aad uga midho dhalin lahayd.

Si kastaba ha ahaatee,  qoraagu wuxuu xusayaa in arrintani aanay mar-naba suurto gal ahayn in  sidii loo gartay in ay muhiim tahay, aan loo fulin karin,  balse ay dhammaan afartaa qodobba muhiim yihiin si aan kala hadh lahayn .

Balse , sababo awood badan ayaa jira oo innaga hor taagan in aynu dhammaystirno wax kasta oo aynu bilowno. Sababahaas waxa aynu u kala jebin karnaa laba qaybood oo waaweyn oo mid kastaaba ay leedahay qurubyo yar yar oo hoos yimaadda , sababta ama qaybta koowaad waa farsamo xumo , ta labaadna waa caqabaddo nafsaani ah.

Haddii aan ku horreeyo farsamo xumada ;  farsamo xumadu waa  hab kasta oo aynu u samaysano qorsheyaal saamayn taban inagu yeelan kara , waxaana suurto gal ah in aynaan ogsoonayn marka aynu samaynayno . Waxa ka mid ah , 1 in aynu samaysanno hadafyo aan la rumeyn karin , 2 wahsiga , 3 in aynu iska jees-jeesno iyo , 4 maaraynta wakhtiga oo xumaata.

Sidoo kale, qaybta labaad ee caqabaddaha nafsaaniga waxaa ku jira , 1 caajiska iyo ka adkaansho la’aanta nafta , 2 in aad guul darrada ka baqato, 3 in aad isu fahanto qof dhammaystiran dhan walba iyo , 4 iska war hayn la’aaanshiiyaha ah in aanad naftaada ka war haynin. Isku soo wada xooriyoo labadaad sababood ayaa ugu awood badan sababaha aynaan u dhammaystirin hawlaha aynu bilowno.

Cutibka 2aad : U gaajood/ Rabitaan xooggan

Cutubkan qoraagu wuxuu ku sheegay arrimo ama qodobbo aad muhiim ugu ah dhammaystirka hawlaha aad bilowdo , ugu horreyn wuxuu leeyahay waxa ugu muhiimsan ee inoo sahla sii wadista hawluhu waa dhiirigelinta .Hase ahaatee , dhiirigelinta wuxuu qoragu u kala saaray laba qaybood oo mid kastaaba ay u sii kala baxayso qaybo  yar yar oo hoose .

Dhiirigeliyayaasha dibadda

Jiritaanka cabsida caqabaddaha deegaanku waxa ay kugu hagaysaa ama si fiican kuugu riixaysaa in aad shay sifiican u qabato maxaa yeelay qofna  ma jecla in uu dhibaatoodo. Hase ahaatee , dhiirigeliyeyaasha dibadda waxaa ku jira cid kasta oo  ku daba joogta isla markaana  kugula xisaabtamaysa guul iyo guuldarroba  .

Sidoo kale qaybtan waxa ku jira in aad ka baqato khasaare lacageed oo ku soo food-saara iyo in aad laaluushto naftaada adiga oo u balan qaadaya abaal marin haddii ay sii waddo hawshaas. Dhanka kale haddii aynu ka eegno , qoraagu wuxuu leeyahay nooca labaad ee dhiirigelinta ayaa ah mid qofka gudihiisa ka timaadda . Noocan labaad ee diirgelintu waxa ay kubdhisan tahay  isweydiinta su aalaha sida “ maxaa aan shaygan u qababayaa ee aan dedaalka u gelinyaa ?” Iyo su’aalo kale , oo tiro badan sida :-

  • Naftaydu sidee ayay isu beddelaysaa ama uga faa’iideysaa ?
  • Sidee bulshadaydu uga faa’iideysaa ?
  • Saameyn intee le eg ayaan kuwa kale ku yeelanayaa ?
  • Intee in le eg oo dhiirigelin ah ayaan ka heli karaa ?

Intaa waxa dheer, qoraagu waxa uu  cutubkan ku xusay muhiimadda ay leedahay in wakhtigaaga , tamartaada iyo dedaalkaagaba aad ku bixiso wax adigu aad xiisaynayso . Ugu dambayn  , wuxuu qoraagu xusay in qofku uu isku dhiiringelin karo dhammaystirka hawlaha tiiyoo aanay jirin wax dhiirigeliyeyaal dibaddeed ahi.

Cutubka 3aad: Yeelo Qorshe Hawleed

Qorshe hawleedku ma aha wax saas u sii weyn , waa in aad dejisato tiro qodobbo ah oo aad maalin walba raacdo . Si kastaba ha ahaatee , qoraagu wuxuu taxay lix qodob oo  uu u arkay in ay muhiim u yihiin dhammaystirka hawlaha .

Qodobka 1aad: Iska jooji caajisnimada

Qodobka 2aad: Saddex qaybood u kala saar hawllahaaga , ugu badanaan maalin kasta. Gaar ahaan waxa aad kala saartaa hawlaha  muhiimka ah, kuwa degdegga ah , iyo kuwa sahlan ee aan wakhti lumiska ah.

Qodobka 3aad:Yeelo  xayndaab jooto  ah oo aanad dhinacna u dhaafin , kaas oo aad ku caddaynayso maxaad ka rabtaa naftaada . Tani waxa ay kuu sahlaysaa in aanad gees marin wixii aad doonaysay ama wixii aad sida dhabta ah u rabtay.

Qodobka 4aad: Si aanu yoolu kaaga lumin , kala caddee waxa aad rabto iyo waxa aanad rabin , adiga oo odhanaya waxaas ayaan rabaa , kaa kalena ma rabo.

Qodobka 5aad: Ka feker mustaqbalka

Qodobka 6aad: Waa 10 daqiiqo , haddii aad rabto in aad sii waddo ama in aad joojiso ka fekerka oo fulinta u bilowdo.

Cutubka 4aad : Aragti Ku Salee

Qoraagu wuxuu cutubkan ku sheegayaa in ay muhiim tahay ku qancinta nafaada aad ku qancinayso in aad hawl  sii wado , maxaa yeelay 100% dhammaystirka hawluhu  waxa ay ku xidhan tahay nafsaddaada , waxaana habboon in aad naftaada ku baraarujiso oo aad kor iyo hoosba ugu sheegto muhiimadda ay kuu leedahay arintaasi. Guud ahaan, afar aragtiyood ayuu cutubkan ku soo jeeddinayaa in ay qayb ka noqon karaan dhammaystirka hawlaha , waxayna kala yihiin sidan :-

Muhiim ka dhigid

In aad ku fekerto tacabka badan ee aad hawl gelisaa in uu wax badan ka tari doono noloshaada ayaa kuu fudeydin karta in aad dhammaystirto hawl aad bilowday. Sidoo kale , waxa aad u baahan tahay in aad rumeysid awoodahaaga shaqsi ahaaneed oo aad aammintid fursad kasta oo aad hesho . Laakiin, qoraagu wuxuu ka digeyaa in uu qofku  xaddido awoodihiisa isaga oo aamminaya in aanu qaban karin hawlo muhiim ah, taasina waxa ay dib u dhac ku tahay wax kasta oo qofka u qabsoomi lahaa. Waxa aad ammintaa waxa aad qabanaysaa in ay muhiim yihiin oo ay wax badan ka tari doonaan qorsheyaashaada nolosha.

Jeclayso waxyaabaha aanad jecalaysanin

Qoraagu wuxuu leeyahay , shay kasta ama hawl kasta oo aad doonayso in aad qabataa waxa ay leedahay wax yaabo aan ku xiiso gelinaynin , haddii aanad tilifishan daawanaynin maalintaada oo dhan. Haddaba , waa in aad dareennadaada ka adkaatid si aanad u dhibsanin dhibaatooyinka kaaga soo dhex bixi kara fulinta hawlaha. Sidoo kale, qoraagu wuxuu ku sii daray qodobo kale  oo muhiim ah  sida in aad cashar ka barato caqabadaha ku soo mara iyo in aad ka adkaato xaaladdaha welwelka kugu fura si aad u dhammaystirto hawllahaaga.

Cutubka 5aad: Ka adkaanshaha Wahsiga

Sida ugu kooban haddii aan u idhaado qoraagu wuxuu cutubkan ku sheegay in wahsigu uu yahay dhibka ugu weyn ee carqaladdayn kara dhammastirka hawlahaaga, sidaas darteed qoraagu wuxuu ina farayaa in aynaan nafta uga dhigin hawlaha kuwo cul-culus ,karkan oo aan la qaban karin balse aynu u sheegno in ay hawluhu yihiin kuwo fufud oo si dhib yar loo qaban karo .

Sidoo kale , wuxuu intaas ku daray in haddii aad naftaada u sheegto khatarta ka dhalan karta dhammaystir la’aanta hawluhu ka hor tag muhiim ah u tahay wahsiga.

Cutubka 6aad: Jewi deggan

Qoraagu wuxuu leeyahay si aad hawl u dhammaystirto waa in aad iska yareysaa  wax kasta oo ku qalin-daari kara deegaanka aad ku hawl gelaysidna ka dhig mid xasiloon . Sidoo kale , qoraagu wuxuu ka digeyaa in qofku uu iksu furo hawlo badan ama isku dhinac wado hawlo aan isku dhinac u jeeddin , halkii uu hawl keli ah diiradda ka saari lahaa si uu u dhammaystiro. Intaa waxa dheer , qoraagu , wuxuu shaacinayaa in ay muhiim tahay in shaqsigu si uu hawl u dhammaystiro uu lahaado liis uu ku taxay shayada aanu qabanaynin inta uu hawshaas wado, kaas oo muhiim u ah sida liiska uu ku taxay hawlaha u muhiimka ah ee uu qabanayo iyo sida ay u kala horreeyaan.

Cutubka 7aad: Cabsi Daran

Qoraagu wuxuu cutubkiisan ku shaacinayaa  in haddii aad si daran uga baqato oo aad uga fekerto in hawlaha kuu hadhsani caqabad  weyn ay kugu noqonayaan ay u muuqato dhib aad u halis badan , laakiin waxa ugu muhiimsan in aad diiradda saarto waxa aad qaban karayso oo keli ah .Dhanka kale , haddii aan ka eego  , qoraagu wuxuu sheegay in ay cudur tahay in aad cidlo ka fekerto adiga oo aan ficilkeeda haynin.

Cutubka 8aad: Habraacyada Guusha

Qoraagu ugu dambayn waxa uu cutubkiisan ku soo gunaanaddeyaa muhiimadda ay leedahay in qofku yeesho habraac ama  hage ku haga guusha kuna ilaaliya in aanu ka bixin dariiqa uu doonayo in uu u maro hawlaha uu qabanayo . Wuxuu leeayahay qoraagu ,” habraac in aad yeelataa waxa ay kaa ilaalinaysaa in aad guul-darraysato “. Intaa waxa dheer , qoraagu wuxuu ku xjsay cutubkan ,  waa in aad ka taxadirtaa shay kasta oo aan macno badan kuu lahayn oo hawl badan u baahan , waana in aad qabato shay kasta oo fudud oo micno weyn agtaada ka leh. Sidoo kale, wuxu leeyahay waxa lagama maar maan ah in aad xog badan ka hesho shayga aad u baahan tahay in aad dhammaystirto ka hor in ta aanad bilaabin , tanina waxa ay kuu sahlaysaa in aad ka fogaato shay kasta oo ku carqaladdayn kara kuuna diidaya sii wadista hawlaha oo dhan.

 

Magaca Buugga : Dhamaystir Waxa Aad Bilowdo

Soo Koobidda Buugga : Khaalid Curaagte

Qoraaga Buugga : Peter Hollins

Caddadka Boggaga Buugga : 98 Bog

Taariikhda La Baahiyey : 2018