Halkan waxa aan ku soo koobayaa soddonka qodob ee loo yaqaano Baaqa Caalamiga ah Ee Xuuquuqda Aadanaha . Ugu horrayn Baaqan Caalamiga ah waxa la sameeyay sannadii 1948kii , waxaana si wada jir ah u sameeyay oo isku af gartay  konton iyo lix waddan (56)oo ka tirsan  Qaramada Midoobay. Hase ahaatee, wakhti xaadirkan in kor uga badan boqol iyo siddeetan iyo shan waddan(185) oo adduunka ku kala yaala ayay qodobbadani dastuuradooda ka dhex muuqdaan.

Si kastaba ha ahaatee, soddonkan qodob waxa la isla waafaqsan yahay in ay yihiin xuquuqaha aas-aasiga ah ee aanu qofku la aantood noolaan karin . Sidoo kale , qodobbadani dhammaan waa ay is dhammaystiraan oo qayb keli ah haddii uu qofku helo oo qaybta kale ay maqan tahay , waxa loo arkaa in qofnimadii qofku ay kala dhimman tahay oo aanay dhammaystirnayn.

Hase yeeshee , waxa la isku raacsan yahay in qof kasta uu xuquuqahan Ilaahay ugu deeqay  oo uu la soo dhashay ,balse uu u baahan yahay in loo illaaliyo . Sidoo kale , haddii qofka xuquuq kuwan soo socda ka mid ah laga hor istaago ama laga duudsiyo , waxa loo tixgelinayaa xad-gudub.  Haddaba, waa kuwan soddonkii qofob hoos ku taxan.

  1. Qof kastaa waxa uu dhashay isaga oo xor ah , dhammaan dadka oo dhammina waxa ay u qalmaan in ay lahaadaan xuquuqo isku mid ah. Qodobkani wuxuu inna tusayaa in qof kastaa uu la soo dhashay xorriyad oo aanay xorriyaddaasi ahayn wax shaqsiyaad kale ugu deeqeen balse uu Ilaahay ku galladay naf kasta .
  1. Qof kastaa waxa uu xaq u leeyahay helista iyo haysashada xuquuqaha aas-aasiga ah ee haddii uu waayo aanay qofnimadiisu dhammaystirnayn . Xuquuqahaas aas-aasiga ah waxa ka mid ah dhammaan xuquuqaha uu baaqani shaacinayo. Waxaana la isla qaatay in qof kastaa xuquuqahan in uu helaa ay thay lagama maar-maan, nolosha qofkuna aanay dhammaystirnayn haddii qaar ka mid ah la waayo xuquuqahan.
  1. Qof kastaa waxa uu xaq u leeyahay in uu noolaado oo uu madax bannaani ku noolaado ,weliba uu helo amni iyo bed qab.
  1. Qofna lama addoonsan karo ama qofna looma haysan karo sifo addoonsi ah oo aanu raali ka ahayn. Addoonsi waxa looga jeedaa, looma addeegsan karo in la isticmaalo qofka tiiyoo aanu ku qanacsanayn sifada loola macaamilayo. Nuxurka ugu weyn ee qodobkani xambaarsan yahay waa in aan aadamuhu is qasbi karin iyaga oo isu sheeganaya kala sarrayn ku dhisan midab,diin, qabiil , isir IWM.
  1. Qofna lama jidh-dili karo loolamana dhaqmi karo si ka hoosaysa bini-aadantinimada oo meel ka dhac ku ah sharaftiisa iyo karaamadiisa qof ahaaneed.
  1. Qof kastaa waxa uu xaq u leeyahay in loo aqoonsado qof ahaan ama in la qiro in uu qof yahay ,micno ma leh meeqaamka uu bulshada ku dhex leeyahay laakiin sharciga hortii waa in loo aqoonsado in uu qof bini-aadam ah yahay.
  1. Dhammaan dadka oo dhammi waa ay siman yihiin. Yar iyo weyn ,fiqiir iyo taajir, sheekh iyo siyaasi ma jiro qof ,qofka kale xuquuqahan ka badsan karaa.
  1. Sharcigu waa in uu illaaliyo in aan qofna xuquuqihiisan lagu xad-gudbin .
  1. Qofna looma taxaabi karo xabsi (looma xidhi kasro ),loomana masaafurin karo si ula kac ah , tiiyoo aanay jirin sabab sharci ah oo uu qofkani xadhig ku mutaystay .
  1. Qof kastaaba waxa uu xaq u leeyahay in uu heli karo garsoor caddaalad ah iyo xukun caddaalad ku dhisan.
  1. Qof kastaaba waxa uu xaq u leeyahay in loo aqoonsado wax ma galabsatay illaa inta uu ku caddaanayo dembi lagu soo oogay ee uu dambiile dhab ah noqonayo.
  1. Qof kastaaba waxa uu xaq u leehahay asturid ah in uu maareeyo arrimihiisa khaaska ah iyo in sumcaddiisa la illaaliyo . Asturiddu wax ay noqon kartaa in arrimihiisa khaaska ah la asturo ayuu qof kastaaba xaq u leeyahay. Sidoo kale ,in qofkuna uu qarsan karo arrimihiisa u khaaska ah.
  1. Qof kastaa waxa uu xor u yahay in uu u socdaali karo meeshii uu doono iyo marka uu doono.
  1. Qof kastaa waxa uu u baxsan karaa waddan kale haddii uu ka baxsanayo dacwad lagu soo oogay ,wuxuuna ka raadsan karaa magan gelyo siyaasaddeed.
  1. Qof kastaa waxa uu xaq uu leeyahay in uu helo sharciga dhalashada. Waxa looga jeedaa waa in uu qof kastaaba heli karo ama leeyahay waddan uu dhalasho ahaan ka soo jeedo,laakiin qofku wuu qaadan karaa laba dhalasho.
  1. Qof kastaa waxa uu xaq u leeyahay in uu guursan karo oo uu qoos dhisi karo ,sidoo kale labada xubnood ee guurku dhex marayaa labaduba waxa ay leeyihiin xuquuqo isku mid ah.
  1. Qof kastaaba waxa uu xaq u leeyahay in uu yeelan karo . Qofna hantidiisa lagama qaadi karo sabab la’aan.
  2. Qof kastaaba waxa uu xaq u leeyahay in uu diintiisa caabudo. ( Qofna laguma qabsan karo Islaamnimadiisa ).
  3. Qof kastaaba waxa uu xaq u leeyahay in uu ra’yigiisa soo bandhigi karo ,sidoo kale uu heli karo xogta uu rabbo isaga/iyada oo isticmaalaya warbaahinta ama war fidiyeenka uu doono.
  4. Qof kastaaba waxa uu xaq uu leeyahy in uu si nabadi ku dheehan tahay ugu biiro kooxda uu doono.
  5. Qof kastaaba waxa uu xaq u leeyahay in uu dawladda ku biiri karo oo uu ka qayb qaadan karo doorashooyinka dalkiisa.
  6. Dhammaan qaybaha bulshadu waxa ay xaq u leeyihiin in ay helaan bed qab iyo amni.
  7. Qof kastaa waxa uu xaq u leeyahay in uu shaqaysto kuna biiri karo ururrada ganacsiga.
  8. Qof kastaa waxa uu xaq u leeyahay in uu nasto oo uu faakihaysan karo marka uu doono.
  9. Qof kastaaba waxa uu xaq u leeyahay in uu helo caafimaad ,cunto , maryo iyo hoy.
  10. Qof kastaaba waxa uu xaq u leeyahay in uu helo waxbarasho, ugu yaraan dugsi hoose dhexe oo lacav la’aan ah.
  11. Qof kastaaba waxa uu xaq u leeyahay in uu ka qayb qaadan karo arrimaha dhaqanka ee bulshadiisa , sidoo kale uu curin karo ama ikhtiraaci karo aqoon cusub ama aalad cusub.
  12. Qof kastaaba waxa uu xaq u leeyahay in uu helo bulsho uu ku dhex adeegsan karo dhamman xuquuqaha baaqan ku xusan.
  13. Qof kastaa waxa uu xaq u leeyahay in la tixgeliyo ,sina uu tixgeiyo dadka kale.
  14. Qofna lagama qaadi karo ama lagama xayuubin karo xuquuqihiisa aas-aasiga ah ee ku xusan baaqan .

 

WQ : Khaalid Curaage 

gudcur89@gmail.com