Somaliland Oo Ku Dhawaaqday inay Bari Ciid Tahay

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa sheegay in hadda sheegay inay Sabtida Berri tahay Ciid, isla markaana bishi Shuwaal laga arkay deegaanno kala duwan oo Soomaaliya iyo Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ka tirsan.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo xarunta Wasaaradda Warfaafinta ee Hargeysa Warbaahinta dowladda kula hadlay labadii habeennimo oo wax yar dhiman, ayaa sheegay xaqiiqo raadin badan ka dib inay xaqiijiyeen in bilashada bisha Shuwaal amma Soon-fur laga arkay Dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Waddamo kale oo Islaam ah, sidaa awgeedna ay Ciid tahay Sabtida.