Siyaasi Soomaali ah oo loo doortay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dowlada Itoobiya
Aqalka Sare ee Baarlamaanka Ethiopia ayaa maanta shalay guddoomiye u doortay Aadan Faarax Ibraahim oo ahaa madaxweyne ku-xigeenka Ismaamulka Soomaalida.
Golaha Aqalka federaaalka Itoobiya oo ka kooban 153 xubnood ayaa laga soo xulaa qowmiyadaha iyo gobollada dalkaasi, Soomaaliduna waxay ku leedahay 6 xubnood oo degaan ahaan metela
Doorashadiisa ayaa ka dambaysay markii toddobaadkan ay iscasishay guddoomiyihii aqalkaasi, Keira Ibraahim, oo ka biya diidneyd doorashada dib loo dhigay ee dalkaasi.
Aadan Faarax ayaa noqonaya qofkii ugu horreeyey Soomaali ah jago sidaas u sarraysa ka qabta dowlada dhexe ee Itoobiya.
Waxaa ku-xigeenka Golaha loo magacaabay Marwo Itsagana iyadoo bedelaysa Maxamed Rashiid oo ah nin Soomaali ah oo horey xilkaas u hayey, si loo ilaaliyo hanaanka awood qeybsiga qowmiyadaha iyo degaanada Itoobiya.