Guddida heer qaran ee Covid19 ayaa maanta Shirkadda Dahabshiil Group kala wareegtay Qalab qiime ahaan ah $600.000 (Lix Boqol oo kun oo Doollar)

Qalabkaasi oo isgu jira Mishiinada Shaybaadhka Xanuunka Covidh19, Mashiinada Naqaska dadka kasoo saara (Oxygen ) iyo Saddex Gaadhi oo Gaadiidka Gurmadka Deg Dega ah ee loo yaqaan (Ambulance) $200.000 (Laba Boqol oo kun oo Doollar) loogu talo galay in la siiyo 4000 oo qoys oo reer Somaliland,

waxaanay shirkadu ballan qaaday inaanay noqon doonin tii u danbaysay.Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo halkaasi ka hadlay ayaa Shirkada Dahabshiil Group uga mahad celiyey Qaadhaanka wax ku oolka ah ee ay soo gaadhsiiyeen Guddida heer qaran.