Shilalka Baabuurta iyo Sababah Keena (WQ: Khalid Mahad Osman “Curaagte”)

Shilalka Baabuurta iyo Sababah Keena (WQ: Khalid Mahad Osman “Curaagte”)

Shilalka Baabuurta iyo Sababah Keena
Shilalka Baabuurta iyo Wadoyinka ayaa loo tix geliyaa in ay yihiin dhibaato bulsho ama caafimaad oo adduunka oo dhan ka jirta, taas oo malaayiin qof oo nabad ku soo toosay ay ku wayaan nafahooda isla daqiiqado yar gudahood. Saandkan , 2020ka warbixin ay shaacisay Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Caafimadka ee magaceeda loo soo gaabiyo “WHO” ayaa ahayd in hal dhibic shan iyo soddon milyaan uu ruux ( 1.35 MILYAN ) u qudh-baxaan natiijo ka timid shil baabuur ,.
Sidoo kale, waxa dhaawac aan dhimasho sababi karin uu kasoo gaadhaa in ka badana konton milyan oo qof (50 MILYAN ) , dhaawacyadan waxaa ka mid noqon kara sida naafada ku timaada dhaawac qofka gaadhay awgiis. Sida ay hay’addu ku faahfaaisay warbixnteedan waxay ay cadeeyeen in boqolkiiba saqaashan (90%) shilalka adduunku ay ka dhacaan waddamada soo koraya dhaqaale ahaan, kuwaas oo boqolkiiba lixadan gaadiidka adduunka dhan ka mid ah laga heli karo deegannadooda (60%) .
Waxa aan la isla diindanayn in shilalku ay saamayn toos ah ku yeelanayaan dhaqaalaha dhaqaalaha shaqsiyaadka , qoysaska iyo qarankaba. Way adag tahay in la sababeeyo dhicitaanka shilalaka tiiyoo ay sabab u tahay kala duwanaanshaha dhaqamada , deegaanka , gaadiidka la adeegsado, aqoonta dadka, iyo dhaqaaluhuba .Ka Soomaaliland , ahaan waxa ay shilalka gaadiidka iyo ku waxyeelloobistoodu noqotay mid kamid ah nolosha maalinlaha ah ee bulshada, aad baan uga damqadey dadyow badan oo isla bishan gudaheeda ku kala geeriyooday shilal kala duwan isla gudha Soomalilaan, waxaanan isweydiiyey su’aalo dhowr ah.
Si kasta oo ay tahayba, waxaa jira Qaddarka oo aanay cidna hareer mari karin, oo su’aasha aan isweydiinayaa waxa ay ku soo koobmaysaa saacadda ayaa ka dhamayd ama waxa ay ahayd sabab u qoran . Dabcan shay kasta oo adduunka aynnu ku nool nahay korkiisa ka dhaca Ilaahay(SWT) wuxuu ku lifaaqay sababtii uu khatar ama sahaale ku noqon lahaa , sababtaas oo ah addeegsiga walxaha iyo ficilka aadanaha oo ah mid ay dabada ku hayaan khataraha ugu badan ee waxyeello ka geysta koonka. Ilaahay (SWT) wuxuu ina siiyay garaad iyo laxaaddo inoo sahlaya in aynnu shayga u isttcimaalno sida lagaga heli karo faa’iidada ugu badan ee uu yeelan karo.
Hadaba, intaas ka sekow , saadaalinno iyo qiyaaso badan oo uu aaddanuhu ku dersayo tirada iyo korodhka shilalka gaadiidka iyo weliba waxyeelada ay gaadhsiiyaan naf iyo maalba ayaa sannad walba la soo bandhigaa kuwaas oo addeegsanaya ama kaashana tusaale yaal cilmiyaysan oo aan ka turjumaynin hal shaqsi arragtidiisa , balse ah qaar la isku raaci karo sida kuwa aynu kor cadeynay oo kale , haba ku kala duwanaadaan deegaan ahaan iyo dhaqan ahaan’e.
WHO iyo kuwo kale oo badanina waxa ay ina leeyihiin waxa jira farqiyo ama kala duwanaashao u dhexeeya da’ada iyo jinsiga dadka shilalka ku waxyeelooba ee adduunka oo dhan ,waxayna ku qiyaaseen celcelis ahaan boqolkiiba saddex iyo toddobaatan ka mid ahi (73%) in yihiin rag , weliba da yar ah oo da’doodu tahay inta ka hooseysa 25 jir , taasi waxa ay ina tusaysaa in waayeelku ay aad ugu yar yihiin ku lug lahaanshaha shilalka gaadiidka iyo dadka ku waxyeelloobaba.
Sidoo kale , waxa aan shaki ku jirin in qofkasta oo qoraalkan akhiriyey uu ka markhaati ahaa ama la soo kulmay hal shil baabuur , qasab ma aha in waxyeello soo gaadho qof kasta oo shil baabuur asiibay balse ugu yaraan waxa uu si qoto dheer-leh u dareemayaa khatarnimada uu leeyahay shilku waxaana suurto gal ah in ay cashar u noqoto oo uu taxadir dheeri ah ka muujiyo xaalad kasta oo suurto gelin karta khatar ama shil. Xikmad Soomali ah baa ahayd ,” Ilaahay haku ku bixiyee meel baydhsan seexo” .
Guud ahaan, sababa keena shilaka gaadiidku waxay ku soo ururayaan sidan :-
1. Xawaare siyaado ah oo lagu kaxeeyo baabuurku wuxuu sababi karaa dhimasho , dhaawac iyo burbur hantiyeed , tiiyoo ay sabab u tahay in maamulka iyo maaraynta baabuurku ay ay ka baxdo dirawalka awooddiisa. WHO ayaa sheegtay in gaadiidka shilka galey sannadkan ee ugu badani ay ku soconayeen celclis ahaan in ka badan 65KM/h xawaaere ka sareeya.
2. Isticmaalka daroogooyinka sida qaadka, Khamriga IWM, waa kuwo ka mid ah khataraha keenni kara suurta galnimada uu shil ku dhici karo , kuna sababi karo dhimasho iyo dhaawacba , maxaa yeelay waxa ay qofka ka qaadayaan gebi ahaanba miyirka , maanka iyo baraarugsanida , waxa aynna ku keenayaan in uu noqdo baraad-laawe aan dhaadahaynin ama saadalin karin khatarta ka iman karta ficilada uu samaysano sila saacadaas , tiiyoo ay saba u tahay in xuskiisii ,iyo habdhiskiis dareen wadka qeyb ka mid ay galeen xaalad aan firfircooneyn .
3. Isticmaalka Taleefanka xilliga uu baabuurku socdo , tani waa mid ka mid ah kuwa ugu badan ee sabab in uu shil dhaco , isla markaan sababo dhimasho iyo dhaawaca , maxaa yeelay xilliga uu socdo baabuurku wuxuu u baahan yahay in dareemayaasha loo isticmaalin wax aan socodka baabuurka ahayn , sidaa awgeed caqabad weyn ayuu taleefanka isticmaalkiisu ku yahay wadista baabuurta.
4. Wel-welka iyo welbahaarka ayaa iyagana loo tixgeliyaa in ay yihiin qodobo saamyn ku leh suurta galnimada uu shil ku dhici karo , maxaa yeelay qofku haddiii aanu nafsaani anhaan dareemaynin xasilooni gudeed waxa uu khatar ugu jiraa in aanu muhiimada badan siinin feejignaanta khatarta ka iman karta masuuliyaddiisa.
5. Cilad ku timaada gaadiidka , tusaale ahaan haddii uu baaburku u baahan yahay in aad geyso goobaha lagu dayac tiro si looga saaro cilad fudud oo ku jirta , sida joojiyaha iyo leexiyaha oo aan si fiican u shaqaynin waxa ay keeni karaan in si dhib yar, uu baabuurku shil u galo , taasina waxa ay sababi kartaa dhimasho iyo dhaawac ama khaare kale oo handtiyeed.
6. Xeerarka Wado Marista Aan Shaqynanyn , haddii xeerar adag oo lagu xakamayn karo shilalka aanu waddanku lahayn waxa ay suurto gelinaynsyaa in ay kor u kacaan heerarka suurta galnimada uu shil ku dhci karo , maxaa yeelay qofka oo aan uga cabsi qabin ganaaxa kaga iman kara sifada uu wadada u marayo wuxuu u soconayaa sidii caqligiisu siiyo’ba.
7. Aqoon daro , haddii qofku aanu aqoon durug san u lahayn hanaanka kaxaynta baabuurka iyo wado marista , wuxuu afar jeer uga khatar badan yahay in uu shil galo kuwa kale ee aqoonta u leh , inkastoo aan tan looga jeeddin qofkasta oo aqoon u leh gaadhigu shil ma gelayo , basle waxa laga wadaa in uu khatar badan waajihi karo.
8. Wado Xumo , wada xumada ayaa loo tixgeliyaa mid ka mid ah sababaha ugu badan ee shilaka gaadiidka keena, waayo marka aanay wadadu ahayn mid waasac ah oo ay si fiican laba gaadhi oo xawaare ku socdaa iskugu weydaaran karanaan waxa suurto gal in ay isku duqeeyaan ama wadad ka dhacaan, taasina waxa keen kartaa dhimasho dhaawac iyo burbur hantiyeed intaba.
Soo jeedin
1. In la dawladda Soomalilaand maalgeliso cilmi baadhiso lagu dersayo jidadka ay shilalka ugu badani ka dhacaan gudaha dalka , sababaha ugu badan ee keena , nooca gaadiidka ee shilka ugu badan sababa , iyo xalka loo heli karo.
2. In la helo shuruuc adag oo ciqaabi ka dhaln karto oo lagu yareynayo shilalka iyo xilkasnimo la’aanta wadeyaasha.
3. In qof kasta oo baabuur kaxaystaa uu isagu masuuliyad isa saaro , kana feejignaado sabab kast oo aynnu kor ku xusnay oo keeni karta suurtagalnimada shil uu ku sabai karo shimasho , dhaawac iyo dhaqaale burbur intanba.
W/Q Khaalid Curaagte