liya heysataa HAL DHIBIC ka dib 12 kulan oo ay ciyaareen horyaalka Premier League, waxayna ku biireen rikoodhkii ugu xumaa horyaalka Ingariiska oo ay Man United qeyb k tahay.

Advertisements
12 kulan oo la ciyaaray ka dib horyaalka Ingariiska kooxihii ugu dhibcaha yaraa abid ayay Sheffield United ku biirtay iyadoo ku wehliyaan Man United, New Brighton iyo Newport County.

Afartaas kooxood waxay ka siman yihiin inay hal dhibic ama ka yar ka heleen 12kii kulna ee ugu horeysay xilli ciyaareedka horyaalka Premier League.

Manchester United ayaa heysata rikoodh aad u xun iyadoo laga wada badiyay dhamaan 12kii kulan ee ugu horeysay ee ay ciyaareen xilli ciyaareedkii 1930-31 iyagoo heystay EBER dhibic.

Rikoodh kale oo aad u xun oo u harsan Sheffield United waa inay jabiso midkii ay dhigtay kooxda Derby County kuwaasoo 11 dhibcood ka helay dhamaan 38dii kulan ee ay ciyaareen horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii 2007-08.